Xog Culus Xaaf iyo Axmed Madoobe oo ku dhacay Dabin ay u...

Xog Culus Xaaf iyo Axmed Madoobe oo ku dhacay Dabin ay u dhigtay DF & Puntland oo Garabkooda ka baxday

0
SHARE

Iyadoo dad badan ay u arkaan in uu fashil ku dhammaaday shirkii madaxda maamul goboleedyada uga socday Magaalada Garoowe ayaa haddana waxaa xalay isla Garoowe ku shiray madaxda maamul goboleedyada Hirshabeele, Koonfur Galbeed iyo Puntland, kuwaas oo sheegay inay iska kaashanayaan arrima dhowr ah.

Arrinkan oo aan waayahan dambe looga baranin Madaxweynaha Puntland oo horay dowladda ugu dhaliilay arrimo dhowr ah ayaa keentay hadal heyn badan, taas oo ah in xeelad siyaasadeed loo degay Axmed Madoobe iyo Axmed Ducaale Geele Xaaf oo labaduba isaga baxay shirkii Garowe, doorashana ay kusoo fool leedahay.

Shirkan ayaa waxaa ka maqnaa madaxweynayaasha Jubaland iyo Galmudug, kuwaa oo markii ay Garowe ka tageen dowladda federaalka ku eedeeyay in aysan heshiis diyaar u ahayn.

Inkastoo aanan la garaneyn sababta rasmiga ee ay uga maqnaayeen shirka saddex geesoodka ee Garowe ayaa haddana dadka wax fallanqeeyay waxay ku doodayaan in saddexda maamul ay u muuqdaan kuwa la saftay dowladda federaalka.Advertisement

“Maamulada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed markii horaba waxaa lagu tirinayay inay dowladda la safan yihiin, hadda Puntland ayaa ku soo biirtay, qaabkaas ayayna Galmudug iyo Jubaland u fahmayaan”, sidaas waxaa ku doodaya Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ka faallooda arrimaha geeska Afrika.

Dowladda federaalka oo looga baahan yahay inay la timaado qorshe siyaasadeed oo ku aaddan doorashada xigta ayaa u muuqda kuwa doonaya in ugu yaraan qanciyaan maamulada qaar, si loo helo aqlabiyadda maamul goboleedyada

LEAVE A REPLY