XOG CUSUB: Axmed Madoobe oo Carooday iyo Shirka Garowe oo Burbur ku...

XOG CUSUB: Axmed Madoobe oo Carooday iyo Shirka Garowe oo Burbur ku dhow

0
SHARE

Shirka Garoowe uga socda madaxda dowladda Soomaaliya iyo madax goboleedyada, ayaa qarka u saaran bur-bur kadib markii shalay uu meel xun gaaray, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay sheegeen.

Wararka ayaa sheegaya in dhacdadii shalay ee garoonka Kismaayo oo ay isku rasaaseeyeen ciidamada Jubaland iyo kuwa musharax Cabdi Naasir Seeraar ay si xooggan u saameysay shirka.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu aad uga carooday falkaas islamarkaana uu madaxda dowladda, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey inay soo direen Seeraar, si uu qal-qal uga abuuro Jubaland.

Shirka oo shalay buuq ku dhammaaday ayaa qorshuhu ahaa in xalay afurka kadib la isku soo laabto, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya inuusan dhicin kadib markii Axmed Madoobe uu iman waayey

LEAVE A REPLY