XOG: Halkee lagu hayay Gaarigii Qaraxa Ismiidaaminta ka Fuliyay Xarunta Warta Nabadda?

Warbaahinta ayaa ogaatay in gaarigii talaadadii ku qarxay xarunta degmada Warta-nabadda ee Gobalka Banaadir uu habeen hore ku baryay degmadaasi islamarkaana uu soo galay galabkii Isniinta.

Gaarigaan oo nuuciisa yahay Nooho ayaa la sheegay in uu ka soo galay dhinaca Suuqa Bakaaraha, waxa uuna ka soo gudbay bar-kontarool oo ku taala agagaarka Hotel Daamey ama Isgoyska Geed Jaceel ee degmada Warta-nabadda.

Mid kamid ah dadka ku nool degmada Warta-nabadd,a gaar ahaan agagaarka Masaajidka Cabdalla iyo Cawareer ayaa sheegay in gaarigaan uu galabkii isniinta muddo ka badan 4 saac uu yiilay meel u dhaw masaajidk,a sidoo kalane kaabiga ku heysa xarunta degmada.

Dadka degaanka ayaa Ciidamada Booliiska kuwar-geliyay gaariga Isniintii, 5tii Galabnimo Afurka ka hor kadib markii ay ka shakiyeen waxaana ku dhax-jiray hal wiil oo kaliya oo ay ugu jireen Air phone (dhagaha Mobilka), balse ay kawar-celin waayeen Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee ku sugan halkaasi.

Qof kamid ah dumarka ku ganacsada agagaarka xarunta degmada  Warta-nabadda ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Booliiska shaqsiyan ay ku wargelisay gaarigaan xilli ay roondo ku marayeen inta u dhaxeysa xarunta degmada iyo Isgoyska Geed Jaceyl balse aysan waxba ka qaban gaariga.

Afurkii kadib ee Isniintii ayey dadka degaanka sheegeen in ay waayeen gaarigii ay ka shakeeyeen waxayna qiyaaseen in uu ku xarooday guri aan ka fogayn xarunta degmada. Taaladadii markii uu qarxayay ayuu Xawaare sare ku soo hormaray dadkii ka digay maalin ka hor waxa uuna xoog ku jiiray difaaca degmada isagoo gudaha u galay xarunta degmada kadibna is qarxiyay.

Sidoo kale dadka xog-ogaalka ah ayaa sheegay in gaariga markii uu jiiray difaacyada degmada aysan jirin cid daba-gashay ama ka difaacday gudaha degmada, waxaaana markii ugu dambeysay laga qaaday birta Al-baaabka xarunta degmada isagoo markii dambe ku qarxay gudaha xarunta oo u dhaw Albaabka.

hobyomedia

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeeyay

Akhriso Qodob ka mid ahaa heshiiskii Farmaajo iyo Ururu oo aan dhaqangelin
- Nov 21, 2019
Todobo maalmood kaddib heshiiskii Magalaada Nairobi ay ku kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ...
Akhriso Muxaadaro uu Sheekh Umal ku qabanayo Garoon kuyaala Muqdisho oo laga soo horjeestay
- Nov 21, 2019
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ku sugan Wadaadka Soomaaliyeed ee caanka ah Sheekh ...
SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Xarun dib loo howlgeliyey
- Nov 21, 2019
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ...
Daawo Qaar ka mida Dadkii ka danbeyay Dilkii Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare oo dil lGU Xukumay
- Nov 21, 2019
Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay ...
Ciidamo huwan ah oo Al Shabaab kala wareegay deegaano ay gacanta ku hayeen
- Nov 21, 2019
Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo garab ka helayay ciidamada maamulka Jubbaland ayaa howlgal milatari ...
Deg Deg Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay Dilkii Almaas Elman loogu geestay Xalane
- Nov 21, 2019
War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay dilkii shalay gudaha ...
Akhriso Ciidanka Dowladda Somaliya oo la wareegtay Ammaanka degaano hor leh oo Hoos taga Galmudug
- Nov 16, 2019
Taliyaha Ciidamada xoogga Soomaaliya qaybta 21aad ayaa ballan qaaday in ay la shaqayn doonaan ...
Maxkamadda Hague oo baaraysa xasuuqa muslimiinta Rohingya
- Nov 16, 2019
Garsoorayaasha Maxkamadda danbiyada caalamiga ah ee Hague ayaa ogolaaday codsi ka yimid dacwad oogayaasha ...
XOGAkhri :Sheikh Shariif oo iska diiday Dalab culus oo ka yimid Madaxda Sare
- Nov 16, 2019
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa iska diiday dalab uu hordhigay ...
Daawo Muqaal:Colaadii Xoolo dhaqatada Galmudug iyo Puntland oo Dib u soo Laabatay , iyo odayaashii oo….
- Nov 16, 2019
HM??Xafiiska Gaalkacyo: Warar lagu kalsoon yhay oo ay Helayso Hobyomedia.com aya Sheegaya ...
 
Advertisements