Akhriso Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug oo ka hadlay Dadaalada uu Kheyre ka...

Akhriso Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug oo ka hadlay Dadaalada uu Kheyre ka Wado Galmudug

0
SHARE

Madaxweyne ku Xigeenka Dowlad Gobaledka Galmudug aya Qoraal uu soo saaray Waxa uu kaga Hadlay Safarka iyo Socdaalka uu ku joogo Ra.iisul Wasaraha Soomaliya deganada Galmudug Waxana Qoraalka uu sidoo kale kaga hadlay Dadaalada uu ka dhax Wado Kheyre Bulshada Galmudug

Nuqul ka Mid ah Qoraalka uu soo saaray Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobaleedka Galmudug oo la soo Gaarsiiyay Xafiiska Warqabadka Warbaahinta Hobyomedia.com ayaa waxa lagu bogaadiyay Hawushada uu Kheyre uu ka dhax Wado Deganada Galmudug tan iyo markii uus oo shaac Baxay Khilaafka u dhaxeya Madaxda Sare ee Galmudug iyo sidoo kale Khilaafadkii kala duwana ee Hareeyay Maamulka Galmudug

Sawirka Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad Gobaledka Galmudug Maxamad Xaashi Carabey 

Waxa aan soo dhawaynayaa bogaadina u dirayaa howlaha uu wado Ra’isal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, uuna ka wado degaanada Galmudug kuwaa oo ah isu soo dhawaynta Bulshada Galmudug oo in muddo ah uu khilaaf hareeyay maamulkooda kaa oo dib u dhac galiyay howlo badan oo la qaban karay.

Shaqooyinka adag ee uu RW ku soo afjarayo arimihii jiray, waa daddaalo sidoo kale uu horay u waday Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.

Waxa ay noqon doonaan kuwa mira-dhala Insha’allah. Sidoo kale Shacabka degaanada Galmudug waxa aan ku boorrinaya in daddaalada socdo ay taageeraan, kaalin adag oo waxtar lehna ka qaataan si loo helo isfahan horumar leh

Dhammaad

LEAVE A REPLY