Akhriso Madaxweyne Xaaf oo laga Dalbaday in uu xilka asna ka qaado...

Akhriso Madaxweyne Xaaf oo laga Dalbaday in uu xilka asna ka qaado Duqa Gaalkacyo Xirsi yusuf Bare

0
SHARE

HM__ Xafiiska Gaalkacyo ” Talabadii u qaday Madaxweynaha Maamul Gobaledka Galmudug ahmed ducale Gelle xaaf ee uu xilka uga qaaday Gudoomiyihii Gobalka Mudug Cabdirashiid Xashi Cartan aya Waxa si wayn u soo dhaweyay Bulshada Gobalka mudug iyo sidoo kale Siyaasiyiin farbadan oo ka soo jeeda Gobalka Mudug kuwaasi oo u arkayay sii haynta xilka labadaasi masuul ee gobalka mudug qabilsana in ay ragaadiyeen Horumarka Gobalka Mudug

Warbaahinta Hobyomedia.com ayaa Jun1 2019 shaaca ka Qaaday Warbixino Qarsoodi ah oo ku sabasan in Lbaada Masuul ee Galmudug u qaabilsan Gaalkacyo aysan wax shaqo ah qaban isla markansana aysan matalin bulshada Mgaalada Gaalkacyo waxaase intaasi wixii ka danbeyay hobyomedia.com loo soo dirayo fariimo kala duwan iyadoo ugu danbeyn maalintii shalay ahayd Madaxweyne Xaaf uu xilka ka Xayuubiyay Gudoomiyihii Gobalka Mudug ee Galmudug

Cabdishiid Xaashi Cartan Gudoomiyihii Hore ee Gobalka Mudug ee Galmudug ayaa lagu dhaliili jiray wax qabad la,aan iyo musuq maasuq waana mida keentay sida ilo wareeedyo hobyomedia.com ay u xaqijiyeen in ay soo dadajisay xilka qaadista uu sameyay madaxweynaha Dowlada Galmudug Ahmed Ducale Gelle Xaaaf

Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah Bulshada Gobalka Mudug oo fariimo kala duwan soo gaarsiyay Xafiiska Warqabadka Hobyomedia.com ee Gaalkacyo ayaa Madaxweynaha Dowlad Gobaledka Galmudug Ahmed Ducale Gelle Xaaf ka Codsaday in uu Xilka ka Qaado Maayarka Magalada Gaalkacyo Xirsi Yusuf Bare

Maayarka Gaalkacyo ee Galmudug Xirsi Yuusuf Bare

Waxa lagu Dhaliilaya Wax Qabad la,aan iyo isbadal la,aan mudadii uu xilka Hayay waxana xilkiisa uu noqday mid aan dhicin isla markana aan la badalin wana mida keentay in Magalada Gaalkacyo aysan ka dhicin Wax is badal ah

Hay,adha Samfalka aya la sheegay in cabdi rashiid iyo xirsi ay ka qaataan Lacago farabadan iyadoon anan la ogayn qarashaadkaasi meesha ay ku baxaan waxana magaalada Gaalkacyo ay noqotay meel aan wax is badal ah uusan ka dhciin isla markana bulshada magaalada ay hadal hayaan xafiisyada masuuliyintaasi oo iska xiran

Xaga amaanka aya labada masuul lagu dhaliilay in aysan waxba ka qaban waxana gaalkacyo gaar ahaan dhanka galmudug ka dhacay weeraro kala duwan iyadoo labada masuul in ay baaritaan ku sameeyaan iska daaye xita aysan ka hadlin saxafada taasi oo shaki badan ku abuurtay bulshada gobalka mduug labada masuul ee galmduug u qabilsan gaalkacyo cida ay masuulka ka yihiin iyo sababta ku kaliftay in ka aamusaan saxafada iyadoo wali maleeshiyaadka ka alshaba ay weeraro ka geysnayaan Magalada gaalkacyo

Wixii Warar ah oo ku soo kordha Kala Soco Hobyomedia.com

LEAVE A REPLY