Akhriso: Wakiilka Midowga Africa Oo Xariga Abu Mansuur Kala Hadlay Farmaajo

Akhriso: Wakiilka Midowga Africa Oo Xariga Abu Mansuur Kala Hadlay Farmaajo

0
SHARE

HM__Xafiiska Muqdisho :Dawlada Soomaaliya ayaa lagu cadaadinayaa inay sii deyso Wadaadka Mukhtaar Rooboow Cali (Abu Mansuur) oo Lix bil dawlada u xiran.

Hogaamiye kuxigeenkii hore Ee Al Shabaab Rooboow ayaa Bishii December sanadkii hore laga soo xiray Magaalada Baydhabo Isagoo murashax u ahaa Madaxtinimada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wakiilka Midowga Africa Ee Arimaha Soomaaliya Fransisco madeira ayaa waxa uu sheegay inay Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiye Mursal uu maanta kala hadlay Arinta Rooboow.

Beesha Caalamka ayaa waxa gaaray Fariimo ka yimid beesha Rooboow maadaama Xabsi Xamar ku yaalla Wadaadkaasi lagu hayo.

Waxa la sheegay in Dawlada Dhexe ay ka cabsi qabto hadii lasii daayo rooboow inay la kulanto Jabhadeyn uu sameeyo.

Dawlada Soomaaliya ayaa waxay sheegtay hadii dalka laga musaafurinayo Abu Mansuur ay xoriyadiisa usoo celineyso.

Ehelada Sheekh Mukhtaar Rooboow waxay sheegeen inay marar badan utageen halka uu ku xiran yahay balse loo diiday inay la kulmaan.

Danjire Madiera ayaa dhexda uxiranaya sii deynta Rooboow,warar ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu aqbalay in dib xoriyadiisa loo siiyo wadaadkaasi Shabaabka ka mid ahaan jiray.

LEAVE A REPLY