Daawo Odayaasha Beesha Sacad Habargidir oo Gaalkacyo kula shirsan Guddigii Loo Xilsaaray Dadkii Lagu Laayay Gaalkacyo

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa gaaray wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Odayaal dhaqmeed.

Wafdiga ka socday dowladda ee gaaray Gaalkacyo ayaa isugu jira Xildhibaano ka tirsan labada Golle Baarlamaanka Soomaaliya,isla markaana waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka,kan Degmada iyo qeybaha kala duwan ee halkaasi ku dhaqan.

Sidoo kale wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ahaa Odayaal dhaqmeed ka soo kala jeeda deegaanada maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ujeedka wafdiga ka socday dowladda ee isugu jiray Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka iyo Odayaasha dhaqanka u taageen Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu yahay sidii ay qeyb uga noqon lahayeen xalinta dadkii dhawaan dil wadareedka loogu geystay halkaas.

Inta ay ku sugan yihiin Mas’iiliyiinta Gaalkacyo ayaa waxaa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Madax ka tirsan Gobolka Mudug,kan Degmada Gaalkacyo  iyo qaar kamid ah Ehelada 9-kii qof ee dhawaan lagu dilay Gaalkacyo,isla markaana iyagoo ka wada hadli doono sidii loo xalin lahaa arrintaas foosha xun,cadaaladana loo horkeeni lahaa dadkii ka dambeeyay falka.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa xili habeen ah lagu dilay Saraal ka tirsan Ciidanka nabadsugida maamulka Galmudug iyo 9 ruux oo shacabka ahaa,kuwaasi oo ka soo kala jeeday deegaanada maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.