Daawo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya o booqday Madxafka caanka ah...

Daawo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya o booqday Madxafka caanka ah ee Shaoshan Mao Zedong

0
SHARE

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo maalmahan ku sugnaa dalka Shiinaha uu shirar uga qeyb galayay ayaa booqday Madxaf caan ka ah dalkaasi.

Mahdi Guuleed iyo wafdiga la socday ayaa booqasho loo geeyay Madxafka caanka ah Shaoshan Mao Zedong , madxafkan ayaana kamid ah goobaha ugu muhiimsan ee lagu keydiyo taariikhda dalka Shiinaha.

“Muhiimada ay taariikhdu leedahay waxay tahay in wax laga barto. aniga iyo wefdigii ila socday waxaan booqanay Madxafka Shaoshan Mao Zedong “.  Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka .

Madxafka Shaoshan Mao Zedong ayaa kamid ah kuwa ugu waa weyn ee dalka Shiinaha ee lagu keydiyo taariikhda iyo waxyaabaha muhiimka u ah dalkaasi, waxaana taariikhda madxafkan ku keydsan loogu tala galay in jiilka dambe wax ka bartaan.

LEAVE A REPLY