(Daawo Sawirro) Dadkii lagu dhaawacay xasuuqii Gaalkacyo oo Muqdisho la keenay

HM__XAFIISKA MUQDISHO Saddex qof oo ka mid ahaa dadkii ka badbaaday xasuuqii habeeno ka hor ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa galabta la keenay magaalada Muqdisho.

Dayuurad gaar ah ayaa magaalada Gaalkacyo ka soo qaaday saddexda nin ee weerarkaas ka badbaaday, kuwaasoo isugu jira labo ka soo jeeda Hirshabelle gaar ahaan magaalada Jowhar iyo mid ku abtirsada beelaha dega degaanada Koonfur Galbeed.

Xildhibaano ka tirsan federaalka iyo xubno ka tirsan dowlada oo isxilqaamay ayaa ku guuleystay in dadkan dhaawaca ah la soo gaarsiiyo magaalada Muqdisho.

Dhaawacyada saddexdan nin oo labo ka mid la sheegay iney aad u liitaan ayaa la dhigay isbitaalka Daarul shifaa ee magaalada Muqdisho halkaasoo loogu sameynayo qaliimo iyo daaweyn kale oo caafimaad.

Dad ka badan 10 qof ayaa dhowr habeen ka hor lagu dilay Koonfurta Magaalada  Gaalkacyo, kuwaasoo intooda badan ka soo jeeday degaanada Bay iyo Bakool ee koonfurta Somalia ka dib markii maleeshiyo hubeysan ay soo qabqabteen heybtooda awgeed ka dibna laayeen, iyagoo la xiriirinaya dil loo geystay sarkaal ka tirsan nabad Sugida Galmudug oo ay dileen dabley ka tirsan Al-shabaab.

Dowlada Somalia, maamul goboleedyada dalka iyo qeybaha bulshada ayaa si kulul u cambaareeyey falkaas, iyagoo ku baaqay in la soo qabto cadaaladana la mariyo kooxihii ka dambeeyey fallkaas.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




> Mike Edwards Authentic Jersey 
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
 
Advertisements