DHAGEYSO: Madaxweynaha Hirshabelle oo War Lama filaan ah kasoo saaray Galmudug

DHAGEYSO: Madaxweynaha Hirshabelle oo War Lama filaan ah kasoo saaray Galmudug

0
SHARE

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, ayaa walaac ka muujiyay xaalado hor leh oo ku soo korodha deeganada Maamulka Galmudugm, kadib hadal uu jeediyay Waare.

Madaxweyne Waare, ayaa sheegay inay wal wal ka qabaan inay xirmato wadada dhanka Waqooyiga uga timaado Maamulka Hirshabelle, wadadaasi oo uu ula jeedo Galmudug, waxaana uu sheegay nolosha Hirshabelle inay ku xiran tahay furnaanshaha wadadaasi.

Waxa uu tilmaamay Siyaasadda Galmudug & arrimaha Doorashada inaysan wax shaqo ah ku laheyn, balse xaaladdaha taagan & saan saanta muuqata ay tahay mid Reer Hirshabelle, gaar ahaan reer Hiiraan culeys badan ku keenayso.

“Dadka ku nool Hirshabelle ama Hiiraan ku nool waxa ay wal wal ka qabaan aan la qiyaasi Karin, xaaladda murugan oo cakiran oo isku qasan oo ka taagan Galmudug, Koonfur inaga oo la tacaaleyna in Waqooyi naga xirmato ma yeelayno, wax Alle wixii ka qayb qaadanaayo in meeshaas tafaraaruq ka yimaado in lagu dagaalamo, inuu Shabaab soo galo in dad walaalo ah is dilaan oo Siyaasadeysan, anaga Doorasho wax nagama galin, Maamul & Axsaab wax nagama galin, jidkaasi waa dhuunteena.” Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug

Maamulka Galmudug oo aan laheyn Siyaasad salfadhida, ayaa u kala qaybsan laba garab, iyadoo Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliya horay u sheegtay in doorashada Galmudug waqtigeeda ay ku dhaceyso.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO

LEAVE A REPLY