Dhageyso Madaxweyne oo ku Goodiyay in Cadalada la Marsiin doono Dadkii ka...

Dhageyso Madaxweyne oo ku Goodiyay in Cadalada la Marsiin doono Dadkii ka Danbeyay Xasuuqii Gaalkacyo

0
SHARE

Madaxweynaha Dowlad Gobleedka Galmudug Ahmed Ducale Gelle Xaaf oo waraysi siiyay Xafiiska Warqbadka Hobyomedia. com ee Magalada Galkacyo aya ku Goodiyay in cadalada la marsiin doono Dadkii ka Danbeyay Xasuuqii loo gaystay dad shacab ah oo ka soo jeeda Deganada Koonfur Galbeed Waxana uu tilmamay in Maamulkiisa uu waado hawulgalo dadkaasi lagu soo qabanayo

Maleshiyo beleedyo gadoodsan oo uu ka soo jeedo sargaal ka tirsana ciidanka Galmudug oo shabab ku dileen gaalkacyo aya iyagoo arintaasi ka fal celiyay waxay xasuuq u gaysteen dad shacab ah ooo aan waxbo galabsan iyadoo sabab looga dhigay in dadkii ka danbeyay dilka sargaalkaasi ay isku heeb yihiin isla markana isku degan ay ka soo jeedeen shaqsiyaadkii dilay sargaalkaasi

Madaxweyne xaaf ayaa shaaca ka qaaday in falkaaasi ay ka naxeen waxana uu tilmaamay in ay ka wal walsan yihiin dhacdooyinka nuucan oo kale ah oo deganada galmudug ku soo badanaya

Hoos ka dhageyso Waraysi Xaaf waxa waraysanaya Wariye Hanad Abdi farah oo ka tirsan wariyaasha hobyomedia.com

Si kastaba ha ahatee wali ma jirto wax talaabo cad oo ay qadeen saraakiisha ciidanka dowald gobaledka Galmudug marka laga reebo in saxafada ay ka hadleen

Wixii Warar ah oo ku soo kordha kala Soco Hobyomedia.com

Xafiiska Wararka Galkacyo

LEAVE A REPLY