DHAGEYSO: Madaxweyne Xaaf Oo Ka Hadlay Dagaalka G/gaduud & Xasuuqii Gaalkacyo

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa si kulul uga hadlay Xasuuqii Xalay Ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Waxa uu Madaxweynaha cambaareeyey Falkaasi foosha xumaa islamarkaana gudi soo baara ayaana la sheegay inuu uxilsaarayo arintaasi.

Madaxweynaha Galmudug ayaa waxa uu shacabka ugu baaqay inay is dejiyaan oo xaalada la qaboojiyo xiisad kalena la abuuro.

Sidoo kale waxa uu Madaxweyne Xaaf ka hadlay Xiisad dagaal oo kasoo cusboonaatay Qeybo ka mid ah Gobolka Gal gaduud.

Afhayeenka dowlad Goboleedka Galmudug Abdiwali Jama Barre {C/weli Kiimiko} ayaa Saxaafada u akhriyey Warsaxaafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

Fikradaha Akhristayaasha (0)




> Mike Edwards Authentic Jersey 
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
 
Advertisements