(Dhageyso) Qaylo dhaan ka soo Yeeraysa Degmada Ceeldibir iyo Dad u Geeriyooday...

(Dhageyso) Qaylo dhaan ka soo Yeeraysa Degmada Ceeldibir iyo Dad u Geeriyooday Cudurka……

0
SHARE

HM_Xafiiska Gaalkacyo Degmada Ceeldibir Ee Gobalka Mudug Iyo Deegaanada Ku xeeran ayaa Xiligaan Laga Soo Warinayaa Caafimaadaro Xoogan, Kadib Markii Deegaanadaasi uu ka Dilaacay Cudurka Shuban Biyoodka.

Maamulka Ceeldibir oo Warbaahinta La hadlay ayaa Xaqiijiyay in Labadii Todobaad ee u Denbeysay ay Halkaa Ugu Geeriyoodeen 2 Caruura Cudurka Shubanka halka Dad kale oo isugu Jira Waayeel Iyo caruur kalena ay la Xanuunsanayaa

WAREYSIGA GUDOOMIYE KUXIGENKA CEELDIBIR CAWIL ABSHIR

Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Ceeldibir Cawil Abshir oo warbaahinta u Sharaxay Xadiga uu gaarsiisanyihiin Cudurada ka Dilaacay Goobahaasi ayaa Sheegay in ay Tahay Xaalada Adag,aysanan Deegaanadaasi ka Jirin wax Xaruumo caafimaada.isagoo Baaq u Diray Wasaarada Caafimaadka galmudug Iyo Hay,adaha Taakuleeya Howlaha Caafimaadka..

CODKA HOOYADA DHASHAY ILMAHA

Dhinaca kale Mid ka Mida Hooyoyinka Ay Caruuteedu u Geeriyoodeen Cudurkaani Ayaa iyana Sheegatay in ay haysato duruuf Adag oo Dhinaca La,aanta Helitaanka Adeegyada Caafimaadka Ah Taa oo ay Sheegtay in uu Xanuunku Cunugeeda ku Haleelay Meel Miyi Ah..Ayna Gurmad U Soo Aaday Ceeldibir Kadib aysan Ka Helin Adeeg Caafimaad,,waxayna Dhankeeda Codsanaysa Caawinaad..

Xiliyadii U Denbeeyay Deegaanka Ceeldibir Iyo Deeganada Hoostaga Waxaa ka Soo Yeeraysay Qaylo Dhaan Dhanka Caafimaad La,aanta Ah,Walow ay Booqdeen Masuuliyin Ka Socotay Wasaarada Caafimaadka Galmudug. Hayeeshee Waxaa Wali Jira Baahiyaha Adeegyo Caafimaad La,aan Ee Ka Jira Halkaasi..

LEAVE A REPLY