Faah faahin: Shir Albaabada Uxiran Oo Ka Dhacay Maanta Villa Somalia

Faah faahin: Shir Albaabada Uxiran Oo Ka Dhacay Maanta Villa Somalia

0
SHARE

Waxaa maanta shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho Xubnaha Gudiyada Joogta Ee Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa ee ku dhex taalla Madaxtooyada Soomaaliya,iyadoo Arimo dhowr ah looga hadlay.

Kulankaan ayaa waxa shir gudoominayey Afhayeenka Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Waxa ugu weyn Ee Shirkaasi looga hadlay ayaa wax aka mid ahaa mudeynta dib u furida kulamada golaha, dejinta ajendayaasha golaha shacabka iyo warbixinta dhismaha cusub ee xarunta KMG ee Golaha Shacabka ee laga dhisayo xarunta Villa Hargeysa.

Kulankani waxa uu kusoo aadayaa xilli Mooshin ka dhan ah Gudoomiye kuxigeenka 1aad Ee Golaha Shacabka C/weli Ibraahim Muudeey Saacadihii lasoo dhaafay la hadal hayey.

LEAVE A REPLY