Faahfaahino kasoo baxaya Nin ka tirsanaa Ergada Doorashada oo lagu dilay Muqdisho

Faahfaahino kasoo baxaya Nin ka tirsanaa Ergada Doorashada oo lagu dilay Muqdisho

0
SHARE

Kooxda Al Shabaab ayaa xalay Ex-control Afgooye qeybta Garasbaaley waxa ay ku dileen nin ka tirsanaa Ergadii soo xushay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Somaliya.

Dilalkan oo ay geysteen Amniyaadka Al Shabaab ayaa si gaar ah uga dhacay ka soo horjeedka xarunta Taliska Asluubta, halkaasi oo loo yaqaano xaafada Maslax.

Ninkan la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Maxamed Gaabow ayaa ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada ku soo dooratay Magaalada Baydhabo oo uu ku shaqeeyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay Kooxaha dilalka gaysatay inay ahaayeen Dhalinyaro hubeysan, si nabad ahna meesha dilka ay ka gaysteen uga baxsadeen.

Goobtii uu dilka waxaa mar dambe gaaray ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Somaliya, kuwaasi oo sameyay hawlgalo aanan la sheegin cida ay ku soo qabteen.

Shabaab ayaa sheegtay inay sii kordhinayaan beegsiga ay ku hayaan Odayaashii ka qayb galay Doorashooyinkii Xildhibaanada ee Gobolada dalka Somaliya ka dhacay.

Dilalka qorsheysan ayaa maalmahan dambe ku soo badanaya Magaalada Muqdisho, iyada oo Hay’adaha ammaanka ay wadaan hawlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Amniyaadka Al Shabaab ayaa beegsada Dadka la shaqeeya Dowladda iyo shaqsiyadka ka qayb qaata hanaanka Dowladnimada Somaliya oo Shabaab ay caqabad ku yihiin.

LEAVE A REPLY