Maxaa ka jira inuu jiro Qorshe Xaaf Dibna Loogu celinayo Dhuuso mareeb?

Maxaa ka jira inuu jiro Qorshe Xaaf Dibna Loogu celinayo Dhuuso mareeb?

0
SHARE

Sida lasoo sheegayo waxaa kulamo gaar gaar ah ay ka soconayaan Caawa Magaalada Cadaado Ee Gobolka Gal gadud halkaasi oo la sheegay in ay Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo Madaxweyn Xaaf ay leeyihiin.Advertisement

Kulamadaasi waxaa lasoo warinayaa in ay yihiin kuwo lagu xalinayo Xiisada Siyaasadeed ee ka taagan Deegaanada Galmudug.

Isniintii waxaa Magaalada Dhuuso mareeb iskaga soo baxay Madaxweyne Xaaf kadib culeys iyo hagar daamo siyaasadeed uu sheegay in loogu maleegay halkaasi.

Siyaasada waa dan joogto mid leh,islamarkaana lasoo tebiyey in Madaxweyne Xaaf uu badelay Qorshihiisii siyaasadeed.Advertisement

Madaxweyne Xaaf ayaa laga yaabaa in berri oo Khamiis ah dib loogu celinayo Magaalada dhuuso mareeb si uu ula heshiiyo Madaxda Ahlusunada ay kala irdhoobeen 72 Saac ka hor.

Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa siyaasad fur furnaan ku jirto u maray sidii doorasho loo dhan yahay kaga dhici laheyd Galmudug.

LEAVE A REPLY