Maxay Tahay Sababta loo Dilay Sargaal Katirsanaa Unka Oo Dhanka Galmudug ee...

Maxay Tahay Sababta loo Dilay Sargaal Katirsanaa Unka Oo Dhanka Galmudug ee Galkacyo Lagu Dilay

0
SHARE

HM__Xfiiska Gaalkacyo Kooxo hubaysan ayaa Xly fiidkii magaalada galkacyo ee xarunta gobalka waxa ay ku dileen allaha unaxariistee Maxamed Cabdi Khayre Fiimto oo wakiil u ahaa Hay’adda Amniga Uqaabilsan Unka deegnada galmudug

Marxuumka ayaa la dilay Xilli uu kasoo baxay Masjid uu saaldda Taraawiixda kusoo tukaday waxaana dad goob joogayaal ah ay sheegeen in laba dhalin yaro oo kuhubaysan Bastoolada ay toogteen markii uu masjidka kasoobaxay

Maxamed C/khayre waxa uu ahaa Aabe Xaas iyo Caruur leh waxa uuu sidookale ka dhaxmuuqday Bulshada Gobalka waxaa lagu yaqiinay Afgaabnaan Qadarin iyo Udhibrinta dadka damyarta ah ama waayeelka ah

Maxamed C/khayre kahor inta uusan ka mid noqon Unka waxa uu sidookale lasoo shaqeeyay Hay’adda MSF xilligii ay kahowl galaysay Isbitaalka wayn ee dhanka Galmudug waxa uu sidookale ahaa Wariye in muddo ah kusoo dhax jiray Mihinadda warbaahinta asagoo kasoo shaqeeyay Radio Muqdisho waxa uu sidookale kaalin kulahaa soo saarida wariyaashii aas aaska u’ahaa Radio Codkamudug oo ahayd idaacadihii maxaliga ahaa ee Magaalada galkacyo laga hirgaliyay

Laamaha Amniga Iyo Masuuliyiinta Maamulka Gobalka Iyo Degmada Galkacyo ee Galmudug kama aysan hadlin lamana yaqaan cidda dilka Marxumka gaysatay hasa ahaatee waxaa socda baaritaano lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyay dilka Marxuumka

LEAVE A REPLY