Mucaaradka Oo Dembiyada Dhacay ilaa 2017 Ugudbinaya Beesha Caalamka

Mucaaradka Oo Dembiyada Dhacay ilaa 2017 Ugudbinaya Beesha Caalamka

0
SHARE

Dawlada Federaalka Soomaaliya Ee Dalka hadda ka jirta ayaa wajaheysa Cadaadis badan oo Beesha Caalamka lagu dacweenayo.

Madaxda Maamul Gobolleedyada Soomaaliya ayaa lasoo warinayaa inay dhawaan Ashtako ka gudbiyeen dawlada Dhexe,Beesha Caalamkana looga dacwooday.

Xildhibaanada mucaaradka Ee Golaha Shacabka ku jira waxay diyaariyeen Warbixin qoto dheer oo lagu soo muujinayo tacadiyadii Soomaaliya ka dhacay Dawlada madaxweyne Farmaajo intay Jirtay.

Xubnaha Mucaaradsan Falsafada Siyaasadeed Ee Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in si gaar ah usoo hal qabsan doonaan tacadigii ka dhacay Dadkana lagu laayey Tuulada Bariire,weerarkii lagu qaaday Guriga C/raxmaan C/shakuur Warsame Ee Muqdisho,Af qabashada Siyaasiyiinta Mucaaradka,Leynta Shacabka Oo Amnigooda faraha ka baxay,shabaab oo kordhiyey Weerarada Muqdisho Ee is qarxinta iyo weerarada tooska ah iyo Bajaajleyda la xasuuqay.

Waxay Dawlada Soomaaliya si dhaw ula socotaa qorshahaas iyadoo ka baaraan dageysa fal celinta hadii ay gudbiyaan warbixintaasi sida ay kaga jawaabeysa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la doortay Sanadkii 2017-kii Bishii Febraayo ilaa xilligaasina dad badan ayaa dhintay oo ay ku jirto Musiibadii Soobe,oo dhacay Qaraxii lagu dhamaaday Bishii October 2017-kii.

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.