SAWIRRO: Faahfaahin Toogasho ka dhacday Mareykanka iyo Dad badan oo la laayay

SAWIRRO: Faahfaahin Toogasho ka dhacday Mareykanka iyo Dad badan oo la laayay

0
SHARE

11 ruux ayaa lagu dilay Gobolka Virgina ee dalka Mareykanka, kadib markii ruux ka mid ah Shaqaalaha dowladda oo cadheysan dadkaasi uu laayay.

Ciidanka booliiska Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in qof careysan oo ka tirsan shaqaalaha wakaalada korontada uu toogasho ku dilay 11 qof oo ku sugnaa dawladda hoose magaalada Virginia Beach ee gobolka Virginia, ka hor intii aanu Boolisku toogasho ku dilin qofkii weerarkaas gaystay.

Taliyaha Booliska James Cervera ayaa sheegay in qofkii toogashada geystay uu si deg deg ah oo aan kala sooc lahayn xabbad ula dhacay dhibanayaashiisii, isaga oo dhismaha dowladda galay saacaddu markii ay in yar dhaaftay 4tii galabnimo.

Weerarka ayaa waxaa ku dhaawacmay lix qof oo kale, sida ay ku warameen Saraakiisha Caafimaadka.

Taliyaha Booliska Cervera oo qofkii weerarka gaystay ku sheegay shaqaale cadheysan oo muddo dheer u shaqeynayey wakaaladda korontada, ayaanan bixin faah faahin ku saabsan magaciisa iyo sababta uu weerarka u geystay.

LEAVE A REPLY