Shabaab Oo War Kasoo Saaray Qaraxyadii Muqdisho & Sargaalkii Lagu Dilay Gaalkacyo

Shabaab Oo War Kasoo Saaray Qaraxyadii Muqdisho & Sargaalkii Lagu Dilay Gaalkacyo

0
SHARE

Ururuka  Al Shabaab ayaa waxay soo saareen warbixin ay kaga hadlayaan Qaraxyadii Maanta ka dhacay Siyaabaha kala duwan Magaalada Muqdisho.

Idaacada Afka Al Shabaab ku hadasha Ee Andalus ayaa la sheegay in ay guutadooda Qaraxyada ay maanta ka fuliyeen labo weerar.

Qoraal lasoo dhigay Baraha ay Al Shabaab wararka ku faafsadaan ayaa lagu sheegay in midkood lagu weeraray Koontaroolka Baarlamaanka laga ilaaliyo,halka koontaroolka kale Ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay beegsadeen.

Ma aysan soo bandhigin Shabaab Qaraxyadaasi iyo khasaaraha ka dhashay balse waxay ku sheegeen meelaha ay beegsadeen in Dadka Lagu dhibaateyn jiray sida ay warka udigeen.

Sidoo kale Al Shabaab waxay sheegatay Mas’uuliyada Dilka Xalay Gaalkacyo loogu geystay Sargaal katirsanaa Nabad sugida Galmudug oo Cali Dhiif lagu magacaabi jiray.

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.