War Culus: Khilaaf cusub oo ka dhex curtay DF & Ahlu suna iyo Shuruudo la hordhigay Villa Somalia

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaay sheegayaan in Ururka Ahlusunna Waljamaaca ay Shuruudo hor dhigeen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.Advertisement

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Ahlusunna ku wargaliyay in ay soo wareejiyaan Ciidanka si xuquuq ay u siiso dowladda dhexe ee Soomaaliya, islamarkaana ay ka mid noqdaan taliska qeybta 21-aad, waxaa uu sidoo kale soo jeediyay in Galmudug si siman loo qeybsan doono, islamarkaana aysan jiri doonin waxyaabo dheeraad ah oo la siinaayo Ahlusunna lala doonaayo maamul dhameystiran in loo dhiso Galmudug.

Hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud ayaa intaasi ka dib la sheegay in uu Ra’iisul Wasaaraha hor dhigay in Xildhibaano dheeraad ah laga siiyo maamulka Galmudug, kuwaasoo ka  madax banaan 89 Mudane ee laga soo xulo beelaha Galmudug, in Ciidanka Ahlusunna si gaar ah loo aqoonsado, in xilal ay soo Magacowdaan Sidda Madaxa Xukuumadda, Wasiiro iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, islamarkaana dhammaan doorashooyinka Galmudug lagu qabto Dhuusamareeb.

Wasiir ka tirsan Galmudug islamarkaana ka mid ahaa Wasiiradii ka yimid dhanka Ahlusunna oo ka gaabsaday in magaciisa Warbaahinta loo adeegsado ayaa inoo sheegay in hadda Dhuusamareeb laga dareemayo Khilaaf cusub oo ka dhex curtay Ahlu suna iyo Dowladda Federaalka oo ku saleysan habka awood qeybsiga.Advertisement

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la sheegay in uu yeeray Xildhibaano ku sugnaa Magaalada Cadaado  si ay qeyb uga noqdaan xalinta tabashooyinka maamulkii Ahlusunna ee ku biiray Galmudug.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Ahlusunna ay jiraan heshiis hoose oo dowladda dhexe ay la gaartay maalmo ka hor,kuwaasoo aan qaarkood la fulin.Advertisement

Xiisad siyaasadeed oo aan la ogeyn halka ay sal dhiganeyso ayaa ka taagan Galmudug,waxayna shirar arrimahaasi lagu lafa gurayo ka socdaan magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusa-mareeb.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.