War Deg deg ah: ciidamada ilaalada u ah R. Kheyre oo loo...

War Deg deg ah: ciidamada ilaalada u ah R. Kheyre oo loo soo daad guraynayo dhusamareb maxaa cusub?

0
SHARE

HM_xafiiska dhuusamareeb: wararka naga soo gaaraya magaalada dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamada ilaalada u ah Ra,iisul wasaare kheyre ay ku wajahan yihiin magaalada dhuusamareeb saacadaha soo socda waxaana wararka ay shegayaan in kheyre la filayo inuu ku biiro wafdiga dowlada Somalia ee ku sugan dhusamareb.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa hobyomedia u sheegay in la qorsheynayo in dhusamareb la geeyo ciidamo gaar ah oo sugaya amaaanka kheyre waxayna wararka ay sidoo kale tilmaamayan in ciidankasi ay la sii wareegi doonaan amaanka garoonka diyaaradaha iyo sidoo kle goobta uu dagi doono kheyre

Xubno ka dhaw Madaxweyne xaaf oo la hadlay hobyomedia ayaa sheegay in ay ka war hayaan wararkaasi balse ayaan xaqiijin karin dhab ahaanshaha xogtaasi

Dowlada fadaraalka soomaaliya ayaa ku fashilantay qorshe lagu doonayay in xaaf meesha looga saaro waxaana wafdigii ka socday dowlada Somalia ay u suurto gali waysay in xaaf ay la kulmaan

Madaxweyne xaaf ayaa diiday la kulanka wafdiga ka socday dowlada soomaliya

Lama xaqiijinn karo sababta ka danbeysa in khyere uu soo aado dhuusamareeb iyadoo la ogyahay in Xaaf uu diiday la kulanka wafdigii horey u sii joogay dhuusamareeb

Wixii warar ah oo ku soo kordha kala soco hobyomedia

LEAVE A REPLY