Xiisad Dagaal Akhriso Ciidamada Galmudug oo wata Gadiidka Dagaalka oo u gudbay...

Xiisad Dagaal Akhriso Ciidamada Galmudug oo wata Gadiidka Dagaalka oo u gudbay dhanka……

0
SHARE

Ciidanka Daraawiishta iyo Nabad sugida maamulka Galmudug ayaa gaaray degaanka Bulacle ee gobolka Galgaduud, halkaas oo Saakay ay soo galeen Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidanka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dib uga baxeen degaankaasi ka hor inta aysan soo gaarin Ciidanka maamulka Galmudug.

Taliyaha Ciidanka Nabad suggida Galmudug Cabdullaahi Cabdi Raage ayaa sheegay in Al-Shabaab degaankaasi uga carreen Saanad Ciidan, islamarkaana dhawaan ay soo bandhigi doonaan.

Waxaa uu ugu baaqay dadka kunool degaanka Bulacle in aysan soo dhaweyn Al-Shabaab, islamarkaana ay la shaqeeyaan ciidanka maamulka Galmudug.

Al-Shabaab ayaa maanta tagay degaankaasi, waxaana ay la hadleen dadka degaanka ka dibna waxa ay ka baxeen halkaasi markii ay soo gaareen Ciidanka Galmudug

LEAVE A REPLY