Xog Beesha C. Qaybdiid uu ka soo jeedo oo diidan in la soo dhiibo ragii Xasuuqii Gaalkacyo ka danbeyay

Senetor Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo ka tirsan Aqalka sare ee Dowlada Fadaraalka Soomaliya aya la waydiistay in Beeeshiisa uu ka keeno ragii ka danbeyay xasuuqii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug

Shirar Gooni Gooni ah oo ay la yeesheen Odayaal .Xidhibaano iyo siyaasiyiin aya Cabdi Qaybdiid waxa la hordhigay qorshe ku saabsan in beeshiisa uu ka keeno ragii ka danbeyay falkaasi madama beesha dhibkaasi geystay uu ka soo jeedo Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid

Xildhibanada ku jira Barlamaanka Soomalya isla markana ka soo jeeda Galmudg aya waxa ay waydiisteen cabdi qaybdiid in uu keeno ragaasi si ceebta haysta galmudug wax looga qabto waxana labada dhinac shirkoodu uu aha mid xasaasi ah

ilo Warreedyo lagu kalsoon yahay oo la hadlay hobyomedia.com aya waxa ay shegen in cabdi qaybdiid u xiriir dhaw uu la soo sameyay odayasha beesha uu ka soo jeedo ee ku sugan magaalada Galkacyo waxana laga wada hadlay dhacdadi dhacday iyo sidoo kale sida wax looga qaban karo waxana odayasha beeshiisa ay diiden in la dhiibo dadkaasi iyagoo ku adkeysanaya in arinta si kale loo dhameeyo

Dowlada Fadaralka Soomaliya aya cadaadis ku saraysa Cabdi qaybdid iyo xubnaha ku jira Barlmaanka Soomaliya ee ka soo jeeda Galmudug in ragii dhibkaasi ka dannbeyay la soo dhiibo si xal looga gaaro arinta xasaasiga ah ee wali haysta baraha bulshada

Xog kale oo ay heshay hobyomedia.com aya waxa ay shegaysa in hadii cabdi qaybdiid beeshiisa uu ka keeni waayo ragaasi in dowlada dhexe ay adeegsan doooto awood isla markana ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ay sameyn doonaan talaabo walba oo ragaasi lagu soo qaban doono

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

La soco Wararka hobyomedia.com si aad u hesho warar hufan oo xaqiiqda ku salaysan

Fikradaha Akhristayaasha (0)




> Mike Edwards Authentic Jersey 
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
 
Advertisements