Xog Culus Joogitaanka Maxamed Gafaaje ee HobyoOo Ku Hor Godban Mashrucyo Hobyo...

Xog Culus Joogitaanka Maxamed Gafaaje ee HobyoOo Ku Hor Godban Mashrucyo Hobyo laga Hirgali laha

0
SHARE

Degmada Hobyo ee Gobalka Mudug oo ah magaala qadiimi ah waxa ay in muddo ah lasoo daalaa dhacaysay dhibaatooyin kala duwan hasa ahaatee marba marka ka dambeysa waxaa muuqanayay in magaaladu samaynayso horumar wayn

Marka laga eego dhanka amniga Magaalada waxaa kusugan Ciidamo kala duwan kuwaa oo isugu jira Heer Gobal iyo Heer Fedaraal waxa ay leedahay Saldhig Ciidan hasa ahaatee Ciidamda waxaa hortaagan dhibaato Qabiil oo talaabo ay kaga qaadi la yihiin Xalinta Dhibaatooyinka Mararka qaar ka dhacay

Inkastoo Dadka iyo Dowlad Gobaleedkuba ay uxusul duubayaan sidii Degmada Hobyo looga hirgalin lahaa Dakad hadana waxaa dhawaan lagu guulaystay dhamaynta wajigii 1aad ee wadda ay dhisteen Bulshada Gobalka kuwaa oo dhibaato badan ku qabay isticmaalka wadada waxaana haatan hobyo laga hirgaliyay goobo loogu adeego bulshada

Hobyo waxaa horay loogu tirin jiray in ay gabaad utahay Kooxaha Burcad badeeda ah balse waxaa taasi meesha kasaaray Tagi taankii Madaxweyne farmaajo iyo wafuudkale oo caalami ah kuwaa oo is xig xigay manijraan wax Burcad ah oo haatan kusugan Hobyo hayeeshee waxaa wali hobyo jooga oo kusugan Mid kamdi ah Hogaamiyaashii Buracdda kaa oo lagu magacaabo Maxamed Garfaanje

Maxamed Garfaanje waxa uu kasoo jeedaa deegaanada Galmudug waxaa uu kunool yahay Hobyo waxaa uu wax kasoo qafaashay Maraakiib farabadan oo uu kamid ahaa Markabkii hubka ee laqabsaday Sanadkii 2008 hasa ahaatee Garfaanje waxaa laggu calaamadeeyay in yahay Hogaamiye Burcad Badeed Marka loo eego joogitaankiisa hobyo waa Caqabadda 1aad ee hobyo hortaagan waxa uu qala laasa Qabiil ka oogaa hobyo asaga oo doonaya in Qabiilada wada dagan ay isku dhacaan waana sababta uu xilli walba u abaabulayo dhibaatada Magaalada waxaa ujooga Gaadiid Dagaal iyo Malayshiyaad waxa uu mar walba is hortaag kusameeyaa Ha’adaha Iyo Dadka Doonaya in ay hobyo wax kaqabtaan

Inkastoo Maamul uu kajiro deegaanka Ciidma kala duwana ay joogaan hadana awood umalahan in ay wax kaqabtaa waayo waxaa lacabsi qabaa in iskudhac qabiil uu halkaa kadhasho waxaana taasi dalii u’ah iyadoo Xubno Masuuliyiin ah ay kulan kula lahaayeen Markab taagan Hobyo uu diiday in Masuuliyiintaas ay Xeebta Ksoodagaan manajiro maamul ilaa haatan taalabo ka qaaday Garfaanje

Garfaanje waxaa dadka qaar ay qabaan in uu yahay nin xiriiro kala duwan la leh Kooxda Al-shabaab waxa uu qala laasa hobyo uu wadana ay tahay isku qarin qabiil waayo waxa uu kasoo jeedaa Hobyo

W/Q/ Abdiwaaxid Macalin isxaaq

Gaalkacyo Mudug. Somalia

LEAVE A REPLY