Xog Culus yaa Hor Tagan Dhismaha Dakada Hobyo Kheyre Mise Farmajo...

Xog Culus yaa Hor Tagan Dhismaha Dakada Hobyo Kheyre Mise Farmajo ?

0
SHARE

HM___Xafiiska Cadaado : Tan iyo Markii Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka uu Safar Ku Tagay Magaalada Hobyo isla Markana uu Dhagax Dhigay Dhismaha Dakada Hobyo Waxa Shacabka Deganada Galmudug Rajadooda ay Noqotay Mid Wanaagsan Kadib Markii Farmajo uu Sheegay in Hobyo Dakadeeda Sida Ugu Dhaqsiyaha Badan lo Dhisi doono.

Wixii intaasi ka Danbeyay Magaalada Hobyo Waxa Gaaray Shirkado ka Socda Dowllado inta badan Caan ku ah dhismaha Dakadaha, kuwaasi oo Sahminayay Hawusha Sida loo Bilaabi laha , waxana Magaalada Hobyo Tagay Shirkado iyo Ajaanib kala Duwan ,Kuwaasi oo Marar kala duwan ku Noq Noqday Magaalada Hobyo.

Madaxweyne Xaaf Ayaa Bulshada Galmudug u Shegay Xiligaasi in Dowlada Fadaraaalka Soomaliya Ay u Balan Qaaday in ay Qayb Wayn ka Qadan Doonto Heshiiska lagu Dhisi Doono Dakkada Hobyo ,Waxana Hadalkaasi Kadib Muqdisho Yimid Shirkad Doonaysay Arintan in ay Gacata Ku qabato, Waxana la Kulmay Masuuliyinta ka socday Shirkadaasi Ra,iisul Wasaraha Xukumada Fadaraalka Somaliya Hassan Ali Kheyre.

Kadib Maxaa dhacay Kheyre iyo Shirkada Dakada Dhisi lahayd maxa dhax Maray

Ilo Wareedyo Muhiim ah oo lagu Kalsoon yahay Kana Tirsan Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Gobaledka Galmudug Aya Warbaahinta Caalamiga ah ee Hobyomedia.com u Xaqijiyay in Kulanka uu aha mid Muhiimad Gaaar ah u laha Maamulka Galmudug isla Markana ay si Dhaw ula Socdeen Wixii Ka soo Baxay ,Waxana uu Shegay in kheyre uu u Sheegay Xaaf in la isku Afgartay Qaabkii Shaqada loo Bilaabi laha ,Waxana Wixii intasi ka Danbeyay Madaxweyne Xaaf uu Bilaabay in uu Qadka Taleefanka Kula Hadlo Masuuliyiinta ka Socday Shirkaadaasi ,Waxaana labada Dhinac la isku Afgartay in Hobyo la Geeyo.

Wixi intaasi ka Danbeyay Sida Aanu ku Helnay Xogta Waxa Bilowday Xiisad Siyaasadeed u Dhaxaysay Dowllada fadaraalka Soomaliya iyo Maamulka Galmudug ,Waxana Xogta aan ka Helnay Xafiiska Madaxweyne Xaaf ay Tilmaamaysay in Ra,iisul wasaare Kheyre uu Saaray Cadaadis Madaxweyne Xaaf, iyadoona Mashruucii Dakada Hobyo lagu dhisi laha Dowlada dhexe ay ,Meesha ka Saartay Madama Xiisad Siyaasadeed ay Soo kala Dhax Gashay Labada dhinac

Shirkada Dhisi lahayd Dakada Hobyo ee uu Kheyre la kulmay

Tan iyo Markii Arinta Dakkada Hobyo Soo shaac Baxday Waxa jiray Shirkado Kala Duwan oo Saf u Soo Galay in ay Qaataan Mashruca lagu Dhisayo Dakkada Hobyo ,Waxana Ugu Cad Cadeyd Shirkad laga leeyahay China ,Waxana Shirkadaasi ay Sugayay Dhaamystirka Heshiiska lagu dhisi lahaa Dakkada Hobyo, Waxana Dowllada Soomaliya Ay diiday in ay sii Dhamayso Heshiiska Hawushada lagu Gali lahaa.

Xubno ka Tirsan Xafiiska Sh Shaakir aya Hobyomedia.com u Xaqijiyay in Ra,iisul Wasaare kheyre uu ka Danbeyay in uu Burbro Heshiiskii lagu Dhisi Laha Dakkada Hobyo .Waxana Masuuliyiintii ka Socday Shirkadaasi ay Dib Ugu Noqdeen Dalkoodii kadib markii Dowllada Dhexe ay diiday in ay sii Dhamaystirto Heshiiskaasi.

Madaxweyne Xaaf Cadaadiskii la Saaray Dowlada dhexe ma ku Guulaystay Xalka Dakada Hobyo inte ku Danbeyay

Sida aan la wada Socono DowlLada Fadaraalka Soomaliya Waxay cadaadis Wayn ku Haysaa Madaxweynaha Dowlada Galmudug Ahmed Ducale Gelle Xaaf Balse ilaa iyo Hada Dowlada kuma Guulaysan in ay Meesha ka Saarto Xaaf,Mana Sahlana in Xaaf Meesha laga Saaro Marka loo eego Taagerada uu Ka Haysto Siyaasiyinta Beesha Habargidir.

Siyaasiyiinta Habargidir aya Madaxweyne Xaaf Kadib Xiisada siyaasaded ee Ka dhax taagan Galmudug iyo dowlada dhexe ka Wada Hadlay Arinta Dakada Hobyo ,Waxase labada dhinac la isku afgartay in Arinta Dakada Hobyo dib loo dhigto inta Xiisada labada Dhinac ay ka Dagayso

La Soco Qaybta Labaad Haduu alle idmo Dhawaan

Xafiiska Wararka Cadaado

LEAVE A REPLY