Xog Macalin Maxamud Hogamiyaha Ahlusuna oo lacago badan u qaybiyay ciidanki dhusamreb iyo amarkii xaaf oo buray

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa lagu amray shirkadaha diyaaradaha inaysan keeni karin cid ka socota dowlada federalka deegaanada Galmudug.Advertisement

Amarkan ka soo baxay madaxtooyada Galmudug ayaa lagu sheegay in tallaabadan loo qaaday iyadoo la fulinayo go’aan hore uu Maamulka Galmudug ugu joojiyay wadashaqeynta dowlada federalka.

Hadaba Warar Hoose oo ay Heshay Hobyomedia.com aya Sheegaya in  Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarx  oo ah Xubnaha sar sare ee Ahlsunna Waljameeca uu Dowlada Dhexe ka helay lacago fabadan , waxana Lacagahaasi loo qaybiyay Ciidanka Magaalada Dhuusamareeb

Qorshaha aya waxa uu ahaa in wafdi ka socda Dowlada dhexe aysan imaan galmudug balse  Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarx  aya la sheegay in uu lacago farabadan uu ku kala fur furay ciidanka taaasi oo keentay in dhuusamareeb ay yimadan wafdigii ka socday dowlada somaliya

Ciidamo fabaran oo ka mid ah kuwa galmudug oo la geyay garoonka diyaaradaha dhuusamareeb aya dib looga saaray kadib markii lacago fabaran loo qaybiyay waxana madaxweyne xaaf uu wayay garabkii ahlusuna iyadoona dhabar jabin xoogan uu kala kulmay ahlusunna

Xiriirka Dowlada Federalka iyo Maamul Goboleedka Galmudug ayaa sii xumaanaya iyadoo dhowaan amar ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha uu ku gacan seyrey Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




> Mike Edwards Authentic Jersey 
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
 
Advertisements