Xog |Odayasha Besha Reer Hilowle Sacad iyo Xaaf oo ka Wada Hadlay...

Xog |Odayasha Besha Reer Hilowle Sacad iyo Xaaf oo ka Wada Hadlay Maayarka Cusub ee Badali Doona Xirsi Yusuf Bare

0
SHARE

HM__Xafiiska Dhuusamareeb | Kadib Markii Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug u xilka Ka Qaaday Gudoomiyhii Gobalka Mudug Cabdi Rashiid cartan isla Markana uu Magacaabay Gudoomiyie Cusub Aya Waxa Soo Shaac Baxday Arimo ku Saabsan in Magaalada Gaalkacyo Golayaasha Deegaanka Gaalkacyo ay wadaan Ollale ka dhan ah Maayarka Magaalada Gaalkacyo ,waxana Qorshaha uu yahay in Meesha laga Saaro Duqa Magalada Gaalkacyo Xirsi Yusuf Bare oo lagu Eedeyay Musuq Maasuq iyo Sidoo kale Wax Qabad la,aan.

Odayaasha Beesha Reer Hilowle Sacad oo Qaarkood Arintan Darteed u Tagay Dhuusamareeb Ayaa Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Ahmed Ducale Gellle Xaaf kala Hadlay Arintan ,Waxana Labada Dhinac Ay isku Afgarteen in Booskiisa Beesha Reer hilowle Sacad ay keensadan Qof kale Kaasi oo Noqon Doona Maayarka Magaalada Gaalkacyo.

Sida ilo Wareedyo lagu kalsoon Yahay ay u Sheegeen Hobyomedia.com Golayaasha Deegaanka Gaalkacyo Aya Diyaarinaya Qorshe cusub ,waxana Hadii uu Qorshahasi Hirgali Waayo Sida Cogta aan ku Helnay La kala Diri Doona Golayaasha Deegaanka Gaalkacyo, kuwaasi oo Horay u soo Doortay Maayarka Gaalkacyo Xirsi Yusuf Bare.

Xubnaha ka Socday Odayaasha Beesha Reer Hilowle iyo Madaxweyne Xaaf Aya waxa Ay isku Afgarteen in Meesha laga Saaro Xirsi Yusuf Bare si Horumarka Gobalka oo Dib u dhac wayn uu ku yimid Wax looga qabto.

Xirsi Yusuf Bare Maayarka Gaalkacyo iyo Gudoomiyhii Xilka laga Qaaday Cabdi rashiid Cartan labaduba Waxa lagu dhaliilay Wax Qabad la,aan ,Waxana Madaxweyne Xaaf kadib wada Tashiyo Badan uu Sameyay ay Keentay in uu Xilka ka Qaado Cabdi rashiid Halka Xirsi yusuf Bare Qorsihisiisa uu Wali Socdo

Qaar ka Mid ah Odayaasha Beesha uu ka Soo jeedo Xirsi yusuf oo la Hadlay Xarunta Warqabadka Hobyomedia.com Aya Sheegay in kulankii ay la Qaateen Madaxweyne Xaaf uu ku soo Dhamaday Guul isla Markana la Filayo in Dhawaan Talaabo la qaadi Doono

Dhanka kale Qaar ka Mida Golayaasha Deegaanka Gaalkacyo oo Qaarkood Aanu la Hadalnay aya Waxa ay Shegeen in ay la Socdan Wararkan, waxana ay Sheegeen in Gobalka uu u Bahan yahay isbadal isla Markana ay Taageri Doonaan Qorshe Walba oo is badal lagu sameenayo

Wixii Warar ah oo ku soo Kordha kala Soco Hobyomedia.com

Xafiiska Wararka Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY