Xog |Odayasha Besha Reer Hilowle Sacad iyo Xaaf oo ka Wada Hadlay Maayarka Cusub ee Badali Doona Xirsi Yusuf Bare

M__Xafiiska Dhuusamareeb | Kadib Markii Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug u xilka Ka Qaaday Gudoomiyhii Gobalka Mudug Cabdi Rashiid cartan isla Markana uu Magacaabay Gudoomiyie Cusub Aya Waxa Soo Shaac Baxday Arimo ku Saabsan in Magaalada Gaalkacyo Golayaasha Deegaanka Gaalkacyo ay wadaan Ollale ka dhan ah Maayarka Magaalada Gaalkacyo ,waxana Qorshaha uu yahay in Meesha laga Saaro Duqa Magalada Gaalkacyo Xirsi Yusuf Bare oo lagu Eedeyay Musuq Maasuq iyo Sidoo kale Wax Qabad la,aan.

Odayaasha Beesha Reer Hilowle Sacad oo Qaarkood Arintan Darteed u Tagay Dhuusamareeb Ayaa Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Ahmed Ducale Gellle Xaaf kala Hadlay Arintan ,Waxana Labada Dhinac Ay isku Afgarteen in Booskiisa Beesha Reer hilowle Sacad ay keensadan Qof kale Kaasi oo Noqon Doona Maayarka Magaalada Gaalkacyo.

Sida ilo Wareedyo lagu kalsoon Yahay ay u Sheegeen Hobyomedia.com Golayaasha Deegaanka Gaalkacyo Aya Diyaarinaya Qorshe cusub ,waxana Hadii uu Qorshahasi Hirgali Waayo Sida Cogta aan ku Helnay La kala Diri Doona Golayaasha Deegaanka Gaalkacyo, kuwaasi oo Horay u soo Doortay Maayarka Gaalkacyo Xirsi Yusuf Bare.

Xubnaha ka Socday Odayaasha Beesha Reer Hilowle iyo Madaxweyne Xaaf Aya waxa Ay isku Afgarteen in Meesha laga Saaro Xirsi Yusuf Bare si Horumarka Gobalka oo Dib u dhac wayn uu ku yimid Wax looga qabto.

Xirsi Yusuf Bare Maayarka Gaalkacyo iyo Gudoomiyhii Xilka laga Qaaday Cabdi rashiid Cartan labaduba Waxa lagu dhaliilay Wax Qabad la,aan ,Waxana Madaxweyne Xaaf kadib wada Tashiyo Badan uu Sameyay ay Keentay in uu Xilka ka Qaado Cabdi rashiid Halka Xirsi yusuf Bare Qorsihisiisa uu Wali Socdo

Qaar ka Mid ah Odayaasha Beesha uu ka Soo jeedo Xirsi yusuf oo la Hadlay Xarunta Warqabadka Hobyomedia.com Aya Sheegay in kulankii ay la Qaateen Madaxweyne Xaaf uu ku soo Dhamaday Guul isla Markana la Filayo in Dhawaan Talaabo la qaadi Doono

Dhanka kale Qaar ka Mida Golayaasha Deegaanka Gaalkacyo oo Qaarkood Aanu la Hadalnay aya Waxa ay Shegeen in ay la Socdan Wararkan, waxana ay Sheegeen in Gobalka uu u Bahan yahay isbadal isla Markana ay Taageri Doonaan Qorshe Walba oo is badal lagu sameenayo

Wixii Warar ah oo ku soo Kordha kala Soco Hobyomedia.com

Xafiiska Wararka Dhuusamareeb

hobyomedia

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeeyay

Akhriso Qodob ka mid ahaa heshiiskii Farmaajo iyo Ururu oo aan dhaqangelin
- Nov 21, 2019
Todobo maalmood kaddib heshiiskii Magalaada Nairobi ay ku kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ...
Akhriso Muxaadaro uu Sheekh Umal ku qabanayo Garoon kuyaala Muqdisho oo laga soo horjeestay
- Nov 21, 2019
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ku sugan Wadaadka Soomaaliyeed ee caanka ah Sheekh ...
SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Xarun dib loo howlgeliyey
- Nov 21, 2019
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ...
Daawo Qaar ka mida Dadkii ka danbeyay Dilkii Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare oo dil lGU Xukumay
- Nov 21, 2019
Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay ...
Ciidamo huwan ah oo Al Shabaab kala wareegay deegaano ay gacanta ku hayeen
- Nov 21, 2019
Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo garab ka helayay ciidamada maamulka Jubbaland ayaa howlgal milatari ...
Deg Deg Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay Dilkii Almaas Elman loogu geestay Xalane
- Nov 21, 2019
War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay dilkii shalay gudaha ...
Akhriso Ciidanka Dowladda Somaliya oo la wareegtay Ammaanka degaano hor leh oo Hoos taga Galmudug
- Nov 16, 2019
Taliyaha Ciidamada xoogga Soomaaliya qaybta 21aad ayaa ballan qaaday in ay la shaqayn doonaan ...
Maxkamadda Hague oo baaraysa xasuuqa muslimiinta Rohingya
- Nov 16, 2019
Garsoorayaasha Maxkamadda danbiyada caalamiga ah ee Hague ayaa ogolaaday codsi ka yimid dacwad oogayaasha ...
XOGAkhri :Sheikh Shariif oo iska diiday Dalab culus oo ka yimid Madaxda Sare
- Nov 16, 2019
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa iska diiday dalab uu hordhigay ...
Daawo Muqaal:Colaadii Xoolo dhaqatada Galmudug iyo Puntland oo Dib u soo Laabatay , iyo odayaashii oo….
- Nov 16, 2019
HM??Xafiiska Gaalkacyo: Warar lagu kalsoon yhay oo ay Helayso Hobyomedia.com aya Sheegaya ...
 
Advertisements