XOG: Saadaq Joon oo hab beeleed u diiday amar ka soo baxay...

XOG: Saadaq Joon oo hab beeleed u diiday amar ka soo baxay Saraakiil Sar Sare

0
SHARE

Khilaaf xooggan ayaa iminka ka dhex aloosan Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Bashiir Cabdi Maxamed “Ameerko,” iyo Taliyaha qeybta Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan oo dadka intiisa badan u yaqaanaan (Saadaq Joom).

Sida wararka ay sheegayaan Khilaafka Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Bashiir Maxamed Ameeriko iyo Saadaq Joon ayaa ka dambeeyay ka dib markii Generaal Bashiir uu amar ku bixiyay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee loo yaqaano (Haram-cad) ee tababarka siiyay Dowladda Turkiga loo diro iney kala dhex galaan maleeshiyo hubeysan iyi Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo isku horfadhiyo xaafadaha Jaamacadaha oo Dowladda ay dooneyso iney dadka rarto si dhulka danta guud Dowladda ula wareegto.

Saadaq Joon oo ah Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa ka madax adeegay amarka taliyihiisa,isagoona sheegay inaan Ciidankaasi ka qeyb galeyn dagaal lagu barakacino dada shacab ah,taasina waxay sababtay in labada mas’uul uu ka dhex qarxo.

Wararka arrintaan la xiriiro oo aan heleyno ayaa sheegaya in Saadaq Joon qorshahan uu u diiday arrimo la xiriira hab beeleed oo deegaanka la doonayo in dadka laga raro waxaa u badan dad ku heyn ah Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan oo loo garan ogyahay (Saadaq Joon).

Xiisadaha arrimaha dhulka ayaa ku badan magaalada Muqdisho,waxayna Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo xoogga saareys dib u soo celintii Hantidii dadweynaha si shacabka loogu adeego,balse arrintaan ayaa laga yaabaa iney dalka khatar geliso.

Saadaq Joon,taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xiriir wanaagsan kala dhaxeeya Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo amarkiisa uu ku shaqeeyo.

Maalmo ka hor ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo ciidamo hab beeleed u abaabulan ayaa ku dagaalamay xaafada jaamacadaha ee magaalada Muqdisho markii la damcay in guryaha ku yaalo halkaasi dadka rayidka ah laga saaro.

Hoggaamiyaha Xisbiga awoodda Shacabka horayna u soo noqday Duqii Muqdisho ayaa ka digay khatar amni oo ka dhalata arrimaha dhulka danta guud loona dhimriyo shacabka degan dhismayaasha Dowladda si aysan dhibaato uga dhalan.

LEAVE A REPLY