Xog :UN ka oo Wafdi u soo Diray Galmudug Kadib Markii Galkacyo...

Xog :UN ka oo Wafdi u soo Diray Galmudug Kadib Markii Galkacyo loga dilay Sargaal sare oo ka tirsana UN ka

0
SHARE

HM__Xafiiska Gaalkacyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa qaabilay maanta Madax ka tirsan Hay’adda UN OCHOA, oo u yimid tacsida Maxamed Cabdulaahi Fiimto, oo QM u qaabilsanaa Arrimaha Galmudug kaasi oo xalay lagu toogtay Bartamaha Magaalada Gaalkacyo.

Wafdiga ka socday Qaramada Midoobay waxaa hoggaaminayey Madaxa UN-OCHOA Justin Bradley waxa-ay kulan la qaateen Madaxweynaha Galmudug oo ka tacsiyadeeyay dilka loo geystay sarkaalkaas, islamarkaana wax laga xumaado ku tilmaamay in shaqaale ka tirsan UN lagu dhex toogto Magaalada Gaalkacyo waxa uuna si gaar ah tacsi ugu diray qoyskii ugu ka baxay sarkaalkaasi.

Xaaf iyo qaar ka mida wasiirada xukumadiisa oo la sawin Wafigii UNKa ee yimid Galmudug

Madaxweyanha Maamulka Galmudug Ahmed Ducaale Gelle Xaaf aya Sarakiisha u Sheegay in Dhankooda ay diyaar u yihiin in si wada jir ah ay ula shaqeeyan UNKA isla markana Maamulka Galmudug uu diyaar u ayahay in si wada jir ah xaaladaha taagan loo wada Wajaho

Habeenkii xalay ahayd ayay ahayd Markii Sarkaal sare oo ka tirsana UNKA lagu dilay Mgaalada gaalkacyo Gaar ahaan Dhanka Galmudug waxana dilkiisa ilaa iyo hada aan ka Hadlin Masuulyiinta Galmudug u qaabilsan Magalada Gaalkacyo

Ugu danbeyntii, saraakiishan ka tirsan UN ayaa balan qaaday in ay ka caawin doonaan dhanka amniga Magaalka Galmudug iyagoona sheegay in si joogta u caawinaya guud ahaan hay’addaha amniga Galmudug.

Sikasta ha ahaatee arintan aya ku soo beegan tay xili Qaramada Midoobay ay ka Walacsan Yihin Shaqaalahooda ka hawl gala Somaliya waxana arintan ay sidoo kale ku soo beegantay xili UNKA mid ka mid ah shaqalahooda habenkii xalay ahaa kooxo hubaysan ayku toogteen Mgaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug

Wixii Warar ah oo ku so kordha kala Soco hobyomedia,.com

LEAVE A REPLY