XOG: Villa Somalia oo lagu cadaadinayo iney qaado talaabo ka dhan ah...

XOG: Villa Somalia oo lagu cadaadinayo iney qaado talaabo ka dhan ah gardarada Kenya

0
SHARE

War hoose oo ay heleyso warbaahinta ayaa sheeagaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu cadaadinayo iney joojiso Jaadka (Khaadka) kaga yimaada dalka Kenya ee lagu iibiyo qeybo ka mid ah Gobolada dalka iyo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,Siyaasiyiin horay xilka dalka uga soo qabtay iyo ganacsato ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo kula taliyay iney joojiyaan khaadka Soomaaliya uga yimaada Kenya iyo dhaqaalaha faraha badan ka soo Kenya haddii ay Xukuumadda Nairobi sii wado daan daansiga iyo hadadaada joogtada ah ay ku heyso dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.

Labadii cisho ee la soo dhaafay waxaa mashquul aad u xooggan laga dareemayay xafiisyada madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha kuwaasi oo ay buux dhaafiyeen siyaasiyiin iyo Xildhibaano doonaya iney Dowladda Federaalka qaado tallaabo cad oo Jawaab u noqon karta dhaq dhaqaaqyada aan laga fiirsan ee Kenya ay ugu gefeyso Qaranimada iyo madax bannaanida Soomaaliya.

Mid ka mid ah Siyaasiyiinta howsha wada oo magaciisa diiday in warbaahinta loo adeegsado ayaa sidan u sheegay Warqaad” Haddii aannahay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee dadkooda iyo dalkooda u naxaya waxaan rabaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya Jawaab cad oo muuqata ay ka bixiso Go’aanada Kenya ee ka dhanka ah Soomaaliya,sidaasi daraateed madaxweynaha iyo R/wasaaraha waan iska aragnay arrintaan waxaanna isla garanay inaan lagu fiirsan arrintaan Qaranka Soomaaliyeed,”

Go’aannadii ugu dambeeyay ee Kenya ay soo saartay ayaa waxaa ka carooday Shacabka iyo Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo Madaxtooyada Soomaaliya faray iney jawaab ka bixiso.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu yiri in Soomaaliya ay dhowreyso qiyamka iyo deris wanaaga Kenya,islamarkaana ay si wanaagsan u soo dhoweyneyso muwaadiniinta Kenya ee imaanaya Soomaaliya si sharci ahna ay ku joogi karaan gudaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY