Xog : Xasuuqii Gaalkacyo kadib C.Qaydiid iyo Beeshiisa oo Hal...

Xog : Xasuuqii Gaalkacyo kadib C.Qaydiid iyo Beeshiisa oo Hal arin isku afgartay Side laga yelaya Dadkii xasuuqa Geystay

0
SHARE

HM::Xafiiska Galkacyo : Tan iyo Markii Magaalada Gaalkacyo uu ka Dhacay Xasuuq Loo gaystay Dad shacab ah isla markana ay ka danbeyeen Malesshiyo Beleedyo Hubaysan aya Arintaasi waxay noqotay Dhacdo Shacabka Soomaliyeed Ay si Wada jir ah u Canbaareeyaan Madama Falkaasi lagu tilmamay in uu ahaa mid Arxandaro ah

Wixii intaasi ka Dnabeyay Dowlada Fadaraalka Soomaliya Waxay Cadaadis Xoogan ay saartay Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo ka Tirsan Xubanaha Aqalka Sare ee Dowlada Fadaraalka Somaliya Waxan Dowlada ay c. Qaybdiid ay kala Hadlaysay sidii beeshiisa uu uga keeni laha maleeshiyadii Dhibkaasi ka danbeysay

Beesha Reer Hilowle Sacad oo ka Mida Beelaha Daga Gobalka Mduug ayaa ah Beesha ay ka Soo jeedaaan Maleeshiyadii ka Danbeysay Xasuuqaasi inkastoo Odayasha Beeshaasi ay saxafada ka hadleen Arintaasina ay Canbareyeen Hadana ma jirin wax ififaalo ah oo lagu soo qabnayo dadkii Weerarkaasi ka danbeyay

Cadaadiska dowlada Somaliya ay saartay Cabdi Qaybdiid aya keentay in Cabdi Qaybdiid uu qadka taleefanka kula Hadlo odataasha Beeshiiisa Waxana ay ka wad Hadleen sidii arintan Waxa looga Qaban Lahaa Waxana Sidoo kale Odayasaha Beeshaasi ee ku sugan Muqdisho waxay la kulmeen Gudiga Xaqiiq Raadinta Xasuuqii Gaalkacyo iyadoona sidoo kale la kulmay Cabdi Qaybdid

Cabdi Qaybdiid iyo Odayaasah Beesha Reer Hilowle Maxay isku afgarteen

Kadib Wada Hadalo dheer iyo Wada Tashiyo la wada Yeeshay Labada Dhinac ee Beesha iyo Cabdi Qaybdiid Wxaaa la isku afgartay in ugu horeyn Dadkii Falkaasi ka dabeyay in la soo Qabto si indhaha saxafada iyo Bulshada loo tusiyo in la hayo dadkii dhibkaasi ka danbeyay

Qodobada sidoo kale la isku afgartay ayaa ah in wafdi ka socda K Galbeed ee imanaya Gaalkacyo la tusiyo Xubno ka mida Dadki falkaasi weerarka ah Ka danbeyay si loo tusiyo in shaqo fiican la qabtay waxana cabdi qaybdiid iyo Beeshiisa ay sidoo kale isku afgarteen in magdhaw fiican la siyo dadkii Dadka laga dilay halka dadka wax dilay laga dhiibi laha oo la qisaasi lahaa Waxana Cabdi Qaybdiid uu Wafdiga K Galbeed ka socda ka dhaadhiciyay in Magdhaw ay qaataan dadkaasina la xukumo xabsina lagu sii hayo ilaa iyo inta Saxafada iyo bulshada ay ka sii jeesanayan dhacdadadan

ilo Wareedyo lagu kalsoon Yahay oo ay la xariirtay Hobyomedia.com aya waxa ay shegen in Xubno ka Mida Dadkii Wax layay la Hayo isla Markana la sugayo Wafdiga ka socda Koonfur Galbeed kuwaasi oo imanaya Gaalkacyo

Maamulka Koonfur Galbeed aya laga Sugaya in ay ka jawaban magdhawga la shegay in la siinayo in ay wax ka jiraan iyo in dadkii Xasuuqaaasi ka danbeayy lagu Wareejin doono

Falka Xasuuqii Gaalkacyo aya Noqday Dhacdo Ugub ah waxana Si Wayn uga Carooday bulshada Soomaliyeed Meel Walba ay joogan

Wixii Warar ah oo ku Soo kordha Kala Soco Hobyoemedia.com

LEAVE A REPLY