XOG: Yaa ka dambeeya Mooshinka Xilka looga Tuurayo Guddoomiye Muudeey? Kheyre Mise...

XOG: Yaa ka dambeeya Mooshinka Xilka looga Tuurayo Guddoomiye Muudeey? Kheyre Mise Farmaajo?

0
SHARE

Xog gaara oo ay heshay warbaahinta madaxa banaan ayaa sheegeysa in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu ka dambeeyo qorshaha Mooshinka looga wado Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo si weyn u xoogeystay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu ka carooday kadib mrkii Muudeey uu isku dayay inuu kasoo horjeesto sharcigii Doorashooyinka oo ay anisixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana tan iyo markaas jiray Khilaaf u dhaxeeya Madaxda Dalka iyo Muudeey, iyadoo ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo uu Ra’iisul wasaare Kheyre ku amray inuu wax ka qabto.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu kulamo la yeeshay Muudeey Labo Jeer balse ay natiijo la’aan ku kala tageen, iyadoo ugu dambeyn Kheyre uu iskugu yeeray Xildhibaanada Taageersan Xukuumadda lana qorsheeyay Mooshinkan oo hada sii xoogeysanaya.

Gudoomiyaha Muudey ayaa lagu waddaa in uu si deg deg ah dalka ugu soo laabto si uu dhankiisa u bilaabo is difaacida, waxaana la ogeyn go’aanka uu qaadan doono, waxaana xalka Mooshinkan loo arkaa inuu ka tanaasulo Mowqifkiisa isla markaana la heshiiyo Madaxda Dalka.

Ololaha Mooshinkaan ayaa si xowli ah ku socda, waxaana la sheegay in aan wali si rasmi ah loogu dhawaaqin meelmarintiisa, islamarkaana wali ay socdaan tashiyo ay waddaan xildhibaanada Ololaha Mooshinka wadda iyo Mas’uuliyiin daba ka riixaysa.

LEAVE A REPLY