Xog:Madaxweyne xaaf Ma looga Guulaystay Dagaalkii uu kula Jiray Kheyre iyoo Farmaajo

Xog:Madaxweyne xaaf Ma looga Guulaystay Dagaalkii uu kula Jiray Kheyre iyoo Farmaajo

0
SHARE

Tan iyo Markii ay soo shaac baxeen in kheyre uu imanayo cadaado waxaa cadaado ka dhacayay kulamo kala dwan waxana magaalada ku soo qul qulayay wafuud kala duwan

Waxa la sheegay in Xildhibaanada Nabad iyo Nolol ka socday Ee gaaray Magaalada Cadaado waxay dhabar jebin ku sameeyeen Xubnihii kale Ee Labada aqal ka socday Ee Isniintii gaaray iyaguna Cadaado.

Madaxweyne Xaaf ayaa umuuqda inuu is dhiibay Siyaasadiisiina uu ka dhigay mid qaboow xilli uu dareemay Culeys tiro badan oo lasoo saaray.

Xafiiska Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo aan la xiriirnay waxa uu ka gaabsaday inay jirto arintaas balse waxa hadalkiisa laga dareemay in isbadel siyaasadeed uu jiro.

Dawlada Soomaaliya ayaa haatan waxay ku guuleysaneysaa Xeyndaabkii ay Galmudug ugu talo gashay taas oo dad badan wax badan iska weydiinayaan sida uu ubadelay Siyaasadiisii Xaaf.

Waxay ka dhigan tahay in Xukuumada Soomaaliya ay gaartay Yoolkeedii,iyadoo kala dishay midba dhinac uqancisey Galmdug iyo Ahlusunadii Xaaf ay kala irdhoobeen.

Hadda waxa loo diyaar garoobayaa shir isku keenid ah Galmudug oo kadibna doorasho loo dareero,Xaaf ayaa laga yaabaa inuu isa soo sharaxo,balse doorashadu waxay ubadan tahay in lagu qabto Magaalada Cadaado,oo ka fur furan siyaasad ahaan iyo Deegaan ahaan Dhuuso mareeb.

Lama oga kulamada ugu dambeeya Ee Xaaf iyo Kheyre geli doonaan waxa kasoo baxa balse waxay ubadan tahay in Xaaf lacagtiisa iska qaadan doono,una hogaansamayo Arinta jirta ee doorashada Dawlada garwadeenka ka tahay.

LEAVE A REPLY