Xogtii u Danbeysay: Khilaafka Ahlusuna & Dawlada Soo Kala Galay Xilli...

Xogtii u Danbeysay: Khilaafka Ahlusuna & Dawlada Soo Kala Galay Xilli Ra’iisal Wasaaraha Caawa Kulamo Bilaabay

0
SHARE

HM__Xafiiska Dhuusamareeb :Wararka ugu dambeeya Ee Ka imaanaya Magaalada Dhuuso mareeb Ee Caasimada Gobolka Gal gaduud ayaa sheegaya in Ahlusuna ay diiday sida ay wax ku socdaan xilligaan.Advertisement

Waxay ka hor timid Qorshaha Dawlada Dhexe balse waxaa lagu qancinayaa in xilal fiican la siiyo Ahlusunada dhuuso mareeb kusugan.

Sida la sheegay Wasiir Sabriye ayaa utaako waayey Xalinta Khilaafka cusub balse waxay taas ka dhigtay in Ra’iisal Wasaaraha uu qancin u aado Ahlusunadii Xaaf kala irdhoobeen.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Gudoomiyaha guud Ee Ahlusuna Waljaamaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa kaarto cusub dejiyey si ay gor gortan kale ula galaan Dawlada Dhexe.Advertisement

Madaxweyne Xaaf ayaa Xalay ku dhawaaqay inuu buray Heshiiskii Jabuuti ay Ahlusuna iyo Galmudug ku kala saxiixdeen taasi oo ka careysiisay Madaxda Ahlusunada joogta Dhuuso mareeb.

Tani waxay sii kordhisey Xaalad culusna ku abuurtay Qawaamuurta Culimada Ahlusuna oo markoodii Hore Siyaasad jaan wadaag aheyd ugu biiray Ahlusuna balse la sheegay in la kala fogaaday.

Daqiiad Walba la Soco Hobyomedia.com si aad Xog Dhaw uga Hesho Siyaasada Cakiran ee Galmudug

Xafiiska Wararka Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY