28-ka Dowladood ee xubnaha ka ah Ururka Midowga Europe oo kala bar...

28-ka Dowladood ee xubnaha ka ah Ururka Midowga Europe oo kala bar dhimay Dhaqaalihii ay ku bixin jireen Mushaaraadka Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka aMISOM.

0
SHARE

28-ka Dowladood ee xubnaha ka ah Ururka Midowga Europe iyo Saaxiibadooda ayaa la sheegay inay jareen Dhaqaalihii ay ku bixin jireen Mushaaraadka Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka aMISOM.

Tiro-koobkii ugu dambeeyey ayaa waxa uu muujinayaa in la dhimay Kala-bar Lacagihii Mushaaraadka ee la siin jirey Ciiddankaasi ee Sannad-maaliyadeedka oo dhamaaday bishii June ee sannadkan 2019-ka.

Lacagaha caddaanka ee Hawlgalka AMISOM loo soo gudbiyey xilliga 12-ka bilood ayaa la sheegay inay Dhaqaalaha Ciiddanka Kenya ahaa mid qiyaastii ku dhowq kala-bar Miisaaniyaddii ay EU-da horey u bixin jirtey.

Ururka Midowga Afrika iyo saaxiibadooda waxay dib u bixiyeen lacag dhan 4.3 Billion oo Shillinka Kenya ayaa u muuqata inay tahay mid kala bar, iyadoo horey loo siin jirey lacag guud ahaan ah dhamayd 8.5 Billion oo Shillinka Kenyasida ay sheegtay Wasaaradda Maaliyadda Kenya.

LEAVE A REPLY