Akhriso Maxay Tahay Sababta Odayaasha Saleeman ay u diiden in ay la...

Akhriso Maxay Tahay Sababta Odayaasha Saleeman ay u diiden in ay la kulman kheyre

0
SHARE

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta safarkii labaad muddo bil gudahood ah ku tegay Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud si uu u qanciyo bulshada ku nool Magalada Cadaado oo maalmahaan qabay tabashooyin kala duwan.Advertisement

Wararka ayaa waxaa ay sheegayan in Odayaasha Dhaqanka Magalada Cadaado ay diideen inay la kulmaan Ra’iisul Wasaaraha, iyaga oo sheegay in uu balan hore uga baxay Ra’iisul Wasaaraha,isla markaana aysan la kulmeyn.

Ujeedka ugu Wayn e Odayasha beeaha saleeman ay u diiden in ay ula kulmaan Khezre ahaa ah arinta xiisaha ka dhax dhalisay galmudug iyo doorashooyinka ka dhacaya galmdug

odayaasha aya shegay in kheyre uu ka baxay balamo horay ay u wada galeen waxana ay shegeen in aysan la kulmeenin kheyre taasi oo markii danbe keentay in kheyre uu isaga soo baxo cadaado

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa markii uu tegay Cadaado waxaa uu la kulmay Siyaasiyiinta kasoo jeeda Magaladaas si Odayaasha Dhaqanka ay ugu qanciyaan inay la kulmaa Ra’iisul Wasaaraha balse taasi ay suurtageli weysay sida lagu helayo wararka ka imaanaya Magalada Cadaado.

Wararkii ugu dambeeyay ee haatan ka imaanaya Magalada Cadaado ayaa waxaa ay sheegayaan in Ra’iisul Wasaaraha uu safar dhinaca dhulka ah ugu ambabaxay Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, isaga oo aan la kulmin Odayaasha Dhaqanka Magaalada Cadaado.

LEAVE A REPLY