Al Shabaab oo Xukun dil ah ku fulisay Nin dhowr mar kufsaday...

Al Shabaab oo Xukun dil ah ku fulisay Nin dhowr mar kufsaday Gabar uu dhalay

0
SHARE

Fagaare kuyaal degmada Saakoow ee Gobolka Jubbada dhexe ayaa Al Shabaab xukun dil ah waxa ay kula fulisay nin lagu eedeeyay in uu saaxir ahaa sidoo kale dhowr mar kufsaday gabar yar uu dhalay.

Qaadiga Maxkamad Al Shabaab ee xukunka riday ayaa sheegay in lagu helay dambi isugu jiray sixir iyo in uu dhowr mar kufsaday gabar uu dhalay ninka lagu magacaabo  Ibraahim Macallin Cabdullaahi.

Waxa uu sheegay qaadiga Maxkamada Al Shabaab in ninkan xukunka dilka ah lagu fuliyay uu maxkamadda ka hor qirtay in uu sixirka ku shaqeysan jiray islamarkaana uu dhowr jeer kufsaday gabar uu dhalay.

Dadweyne badan ayaa isugu soo baxay fagaaraha xukunka dilka ah lagula fulinayay ninkan lagu eedeeyay in uu ahaa saaxir sidoo kale kufsaday gabar uu dhalay,waxaa sidoo kale fagaaraha dilka ka dhacayay ku sugnaa saraakiil katirsan Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa marar badan xukuno dil ah ku fulisay dad ay ku eedeesay in ay Saaxiriin yihiin iyo kuwa dambiyo kale lagu helay, waana markii ugu horeesay Xukun dilka ah Al Shabaab ku fuliyaan nin lagu eedeeyay in uu kufsaday gabar uu dhalay

LEAVE A REPLY