Daawo Sawirada Bulshada Galinsoor oo la kulmay Gudoomiyaha Gobalka Mudug C/raxmaan Cali...

Daawo Sawirada Bulshada Galinsoor oo la kulmay Gudoomiyaha Gobalka Mudug C/raxmaan Cali Diiriye

0
SHARE

Deegaanka Galinsoor oo  ka mida deegaanada ku yaala xadka kala qeybiyagobalada Mudug iyo Galguduud ayaa bulshada ku nool  waxaa soo foodsaaray dhibaatooyin la xariira adeegyada Aas-aaska u ah nolasha iyohorumarka bulshada sida ay Warbaahinta qaranka ugu warameen xilli Galinsoor uu booqday  Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Mudug oo isagu
kormeero xaqiiqo raadin ah ku mari doona deegaanada ku yaala dhankagalbeed ee gobalka Mudug qaar ka mida Waxgaradka iyo masuuliyiinta
maamulka deegaankaasi kuwaasi oo sheegay in hay’adaha iyo maamulada labada gobal ay isku haleeyeen taasina ay sababtay in bulshada
deegaankaasi iyo deegaanada hoostaga ay wehel u noqdaan caafimaadla´aan waxbarasho la´aan iyo  hoos u dhac aad u weyn.

Gudoomiyaha Gobalka Mudug C/raxmaan Cali Diiriye ayaa sheegay in maamulada labada Gobal ee Mudug iyo Galguduud ay ka wada shaqeyn
doonaan xalinta dhibaatooyinka ka jira Galinsoor.

Dhinaca kalana Gudoomiyaha gobalka Mudug ayaa kala qeyb qaatay bulshada iyo maamulka deegaankaasi dhagax dhiga xarun caafimaad
Garoonka Cayaaraha isagoo sidoo kormeeray dhismaha xarunta maamulka deegaankaasi oo si isku tashi ah ay ku dhisanayaan bulshada Galinsoor
iyagoona mashaariicda lagu dhisayo isku tashiga ay ugu magac dareen.

Gudoomiayaha Gobalka mudug Mudug C/raxmaan Cali Diiriye ayaasidoo kale la filayaa in maalmaha soo socda uu kormeero ku aadan ka
war doonista baahiyada ka jira deegaanada Gobalka Mudug uu ku tagoqaar ka mida deegaanada ku yaala Galbeedka Gobalka mudug kuwaas oo
mudooyinkii u danbeeyay laga soo sheegayay dhibaatooyin la xariira dhanka amniga baahiyada adeegyada asaaska u ah nolasha aadanaha.

LEAVE A REPLY