DHAGEYSO: Kheyre Oo Khiyaano Siyaasadeed U Dheelay Ahlusuna & Siriqda Cusub Uu...

DHAGEYSO: Kheyre Oo Khiyaano Siyaasadeed U Dheelay Ahlusuna & Siriqda Cusub Uu Dejiyey

0
SHARE

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sameeyey siriq uu ku doonayo inuu ku dhabar jebiyo Awooda Ahlusuna Waljamaaca,isagoo si maldahan usoo bandhigay Qorshihiisa gaarka ah.Advertisement

Kheyre oo hadda kusugan Dhuuso mareeb Xalayna ku laabtay magaaladaasi waxa uu doonayaa inuu hantiyo Awooda Meliteri iyo mida siyaasadeed Ee Galmudug,inkastoo wax kasta ay isbadeli karaan wakhtiga ugu dambeeya.

Waxa uu Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu doonayaa in sida uu uqanciyey Reer Cadaado iyo Xaaf uu rabo in Ahlusuna uu iyaguna kaga gacan bixiyo Awoodooda ay hadda gor gortanka ku gelayaan.

Hub gaadiid dagaal ubadnaa ayaa Maleeshiyaadka Xeraale kusugnaa lagu wareejiyey Dawlada inkastoo Beesha Degta Deegaankaasi Ee Dir ay Dawlada ku dhawaaqeen in Dawlada garab joogaan.Advertisement

Khudbadii Kheyre uu Xeraale ka jeediyey waxay ka micno aheyd inuu fariin udiray Ahlusuna oo dhankooda laga sugayo inay Hubka soo wareejiyaan oo ay Dawladnimada is hoos geeyaan.

Kulamadii ugu dambeeyey Ee Saacadii lasoo dhaafay ka dhacay Dhuuso mareeb oo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo labo jeer isbuuc gudahiis tegay ayaa la sheegay in Ahlusuna ay isku dayeen inay helaan Maqaamka ay Dawlada kaga baahnayeen.Advertisement

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

LEAVE A REPLY