Dhuusamareeb oo lagu qabtay rag lagu tuhmayo Qaraxyadii shalay & Howlgal culus oo ka socda

Ciidamada nabad sugida iyo Booliska Galmudug oo saacadihii la soo dhaafay howlgal qorsheysan ka fuliyay magaalada Dhuusa-mareeb ayaa ku soo qabtay dad lagu tuhmayo qaraxyadii shalay ka dhacay magalaadaasi. Advertisement

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkaas lagu soo qab qabtay dad farabadan,hayeeshee sigaar ah ay baaritaano ugu socdaan lab Ruux oo looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.Taliska Booliska degmada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegeen in intii ay wadeen howlgallada ay fashiliyeen ilaa laba qarax,sidoo kalena ay wadaan baaritaano kale oo ku aadan sugida amniga iyo sidoo looga hortegi lahaa falal amnidarro oo ka dhaca Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Magaalada Dhuusamareeb shalay Barqadii waxaa ka dhacay laba qarax oo mid ka mid ah uu geystay dhimashada hal askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska iyo dhaawaca Saddex kale halka midka kale ay Ciidamada qarxiyeen, kaas oo lagu qariyey qasac lagu keeno Caana-Booraha,sida ay sheegeen Hay’adaha Amniga Magalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale Magalada Dhuusamareeb waxaa ku sugan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo saraakiil ka socota Wasaaradda Difaaca dalka Qatar, iyada oo ku howlan dhisida Ciidamadii Ahlusunna ee ku biiray Dowladda Federaalka

hobyomedia

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeeyay

Akhriso Qodob ka mid ahaa heshiiskii Farmaajo iyo Ururu oo aan dhaqangelin
- Nov 21, 2019
Todobo maalmood kaddib heshiiskii Magalaada Nairobi ay ku kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ...
Akhriso Muxaadaro uu Sheekh Umal ku qabanayo Garoon kuyaala Muqdisho oo laga soo horjeestay
- Nov 21, 2019
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ku sugan Wadaadka Soomaaliyeed ee caanka ah Sheekh ...
SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Xarun dib loo howlgeliyey
- Nov 21, 2019
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ...
Daawo Qaar ka mida Dadkii ka danbeyay Dilkii Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare oo dil lGU Xukumay
- Nov 21, 2019
Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay ...
Ciidamo huwan ah oo Al Shabaab kala wareegay deegaano ay gacanta ku hayeen
- Nov 21, 2019
Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo garab ka helayay ciidamada maamulka Jubbaland ayaa howlgal milatari ...
Deg Deg Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay Dilkii Almaas Elman loogu geestay Xalane
- Nov 21, 2019
War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay dilkii shalay gudaha ...
Akhriso Ciidanka Dowladda Somaliya oo la wareegtay Ammaanka degaano hor leh oo Hoos taga Galmudug
- Nov 16, 2019
Taliyaha Ciidamada xoogga Soomaaliya qaybta 21aad ayaa ballan qaaday in ay la shaqayn doonaan ...
Maxkamadda Hague oo baaraysa xasuuqa muslimiinta Rohingya
- Nov 16, 2019
Garsoorayaasha Maxkamadda danbiyada caalamiga ah ee Hague ayaa ogolaaday codsi ka yimid dacwad oogayaasha ...
XOGAkhri :Sheikh Shariif oo iska diiday Dalab culus oo ka yimid Madaxda Sare
- Nov 16, 2019
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa iska diiday dalab uu hordhigay ...
Daawo Muqaal:Colaadii Xoolo dhaqatada Galmudug iyo Puntland oo Dib u soo Laabatay , iyo odayaashii oo….
- Nov 16, 2019
HM??Xafiiska Gaalkacyo: Warar lagu kalsoon yhay oo ay Helayso Hobyomedia.com aya Sheegaya ...
 
Advertisements