Dowlada Turkiga oo Hab Casri ah u dhiseysa Wadada isku xirta Muqdisho...

Dowlada Turkiga oo Hab Casri ah u dhiseysa Wadada isku xirta Muqdisho & Afgooye

0
SHARE

Waxaa maanta ay bilowday shirkad laga leeyahay dalka Turkiga dhismaha wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.Advertisement

Dhismaha wadadan ayaa waxaa maalgelinaysa dowlada Turkiga waxaana lagu arkayay saaka agagaarka koontaroolkii hore ee Afgooye howlo laga burburin ah oo wadada laamiga ah la burburinayo.

Waxaa la xiray saaka qeybo ka mid ah wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo Afgooye iyadoo gaadiidka ay marayeen waddo wareeg ah. Gaadiidleyda ayaa soo dhoweeyay dhismaha wadadan oo la sugayay muddo dheer.

Sidoo waxaa lagu wadaa in la bilaabo dhismaha wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo Jowhar.Advertisement

Dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye ayaa la bilaabay kadib markii dhowaan uu ku soo xirtay dekeda Muqdisho markab sida gaadiidka lagu dhiso wadooyinka.

Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi ka socday dowladda Qadar oo ay wehliyeen Madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ayaa dhagax dhigey dhismaha Waddooyinkan 18kii Februay sanadkan inkasta oo tan iyo xilligaas aan la bilaaban.Advertisement

<

Mashruucan dhismayaasha Waddooyinka Muqdisho iyo Afgooye iyo Muqdisho iyo Jowhar ayaa waxaa ku baxaya $200Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

LEAVE A REPLY