Gaadiid iyo Ciidamo uu watay Hoggaamiyihii Burcadbadeeda Maxamed Gafaanje oo la...

Gaadiid iyo Ciidamo uu watay Hoggaamiyihii Burcadbadeeda Maxamed Gafaanje oo la weeraray

0
SHARE

Dabley hubeysan ayaa jidka u galay gaari uu la socday Maxamed Gafaanje oo ka mid ahaan jiray Hoggaamiyeyaashii Burcad badeed iyo ilaaladiisa degaanka Gawaan oo 30 Km u jirta degmada Hobyo gobolka Mudug.

Inta la xaqiijiyey 3 ka mid ah ilaalada Hogaamiye Gafaanje ayaa ku dhintay, waxaana dhaawac soo gaaray Maxamed Gafaanje iyo mid ka mid ah ilaaladiisa.

Maamulka degmada Hobyo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dhacdadaan, waxaana la sheegay in Kooxda weerarka geystay ay kasoo jeeddaan degaanka.

Ciidamada Ammaanka degmada Hobyo ayaa ku baxay goobta, waxaana dhaawaca la geeyey isbitaalka Gawaan.

LEAVE A REPLY