Kheyre oo qarka u saaran in dhuusamareeb uu isaga baxo Maxaa soo...

Kheyre oo qarka u saaran in dhuusamareeb uu isaga baxo Maxaa soo kordhay

0
SHARE

Kulankan oo ah mid Albaabada u xiran yihiin labada mas’uul ayaa waxay kaga hadlayaan xaaladda soo korortay iyo sida ugu haboon ee looga gudbi karo.

Sidoo kale, Kulanka u dhexeeya Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa arrimo kala duwan oo ay qeyb ka tahay amniga Dhuusamareeb iyo sidii halkaas loogu wareejin lahaa Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale kulanka u dhexeeya labada dhinac ayaa waxaa uu qaatay saacado badan,welina ma jiro wax war ah oo ka soo baxay,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in qdobobada laga hadlayo qaar la isku fahmi la’yahay.Advertisement

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado shalay iyo saakay laga soo kala celiyay diyaarado Ciidamo gaar ah siday,kuwaasi oo ka yimid Magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hadda waxaa la isku fahmi la’yahay in ciidamo ka socda Dowladda Federaalka la geeyo magaalada Dhuusa-mareeb,kuwaasi oo la wareega amniga magaalada.

LEAVE A REPLY