Mas’uul Ku Dhaawacmay Qaraxii Xarunta G/Banaadir Loogana Tagay isbitalka Digfeer oo Geeriyooday

Mas’uul Ku Dhaawacmay Qaraxii Xarunta G/Banaadir Loogana Tagay isbitalka Digfeer oo Geeriyooday

0
SHARE

Waxaa Caawa Isbitaalka Digfeer ee ku yaalla Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Agaasimihii Xafiiska Xoghaya guud ee Gobolka Banaadir.

Maxamed Cabdalla Caaqil oo ahaa Agaasimihii Xafiiska Xoghaya guud ee Gobolka ayaa ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir,kaasi oo sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Xaaladda Caaqilka ayaa aad u liidatay, ogsijiin ayaa ku xirnaa taasoo saamixi weysay in laga furo maadaama uu neefta halkaas ka qaadanayay, sidaasna looga reebay diyaaraddii qaaday dhaawacyada.AKHRISO

Dadka ku dhaawacmay qaraxaas ayaa ku jira Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cabdiraxmaam Cumar Cismaan,Guddoomiyaha Warta-nabadda iyo xubno kale oo ka tirsan Xafiiska Duqa Muqdisho.

Sidoo kale qaraxii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku dhintay Guddoomiyeyaal ah Degmo ka tirsan Gobolka iyo Agaasime waaxeedyo iyo xubno kale.

Weerarkii ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir ayaa waxaa sheegtay Al-Shabaab, iyaga oo sheegay in bartilmaameedkoodu ahaa Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya , James Swan, oo ay tuhunsanaayeen in uu halkaasi ku sugnaa

LEAVE A REPLY