Maxaadan ogeyn oo Dhexmaray Kheyre & Guddiga Dib u heshiinta beelaha Galmudug?...

Maxaadan ogeyn oo Dhexmaray Kheyre & Guddiga Dib u heshiinta beelaha Galmudug? Akhriso

0
SHARE

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa kulan la qaatay xubnaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiinta Galmudug oo kasoo laabtay socdaal ay ku mareen deegaannada Galmudug.Advertisement

Kulanka ayaa looga hadlay dardar-gelinta qorshaha dib-u-heshiinta Galmudug iyo ka mira dhalinta shir-weynaha Dhuusamareeb ka furmaya August 05,2019 ee la isugu keenayo beelaha Galmudug si la isugu diyaariyo dhismaha Galmudug.

Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay najiijadii kasoo baxday kulamadii ay la qaateen iyo farriintii ay gaarsiiyeen bulshada deegaannada Xeraale, Huurshe, Balanbal, Caabud-waaq, Gaalkacyo iyo Cadaado oo ay Safar ku mareen.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddiga faray in laba jibbaaraan dadaallada ay ku gudanayaan waajibaadka ka saaran shirka si loo gaaro hadafka guud oo ah in la helo Galmudug loo dhanyahay oo u adeegta bulshada reer Galmudug, kana qayb qaadata horumarinta qarannimada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY