Odayaasha beesha ceyr oo soo fara geliyey khilaafka Khayre & Ahlu sunna...

Odayaasha beesha ceyr oo soo fara geliyey khilaafka Khayre & Ahlu sunna & kulamo ka socda Dhuusamareeb

0
SHARE

Wadahadal cusub oo loogu kala dab qaadayo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo hoggaamiyaha Ahlu Suna Macalin Maxamuud ayaa ka socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galgaduud ka dib markii ay soo fara geliyeen qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Dhuusamareeb.

Odayaasha oo qaadanaya kaalintooda dhaqan ee dhismaha Galmudug iyo xalinta culeysyada maalmahan ka dhex jira dhinacyada dowladda iyo ahlu sunna ayaa maanta kulan ku yeeshay Dhuusamareeb iyagoo iswaydiiyay doorkooda ku aadan xaalada taagan iyo sida xalku ku jiro waxayna isla qaateen inay la kulmaan gudoonka Ahlusunna iyo Raisul Wasaare Kheyre iyagoo dhageysanaya ka dibna taladooda ku biirinaya si loo daaweeyo tabashooyinka Jira.

Khilaafka ayaa yimid ka dib markii hoggaaminayaha Ahlu suna uu ka war helay in ciidamo ka yimid Muqdisho lagu soo daabulayo Dhuusamareeb oo muddo 10 sano ka badan ay gacanta ku hayeen ciidamo isaga ka amarqaata, wuxuuna amar ku bixiyey in la xiro garoonka magaalada Gaalkacyo, lana celiyo ciidamada dowladda.

Macalin Maxamuud ayaa tallaabada uu qaaday kadib dalbaday in amniga magaalada Dhuusamareeb loo daayo ciidamada hore u joogay ee isaga ka amar qaata, isla markaana wax ciidamo ah aanay keenin dowladda Federaalka, wuxuuna sidoo kale dalbaday in loo saxiixo is-afgarada ay hore ula gaareen Ra’iisal wasaaraha oo ka kooban 3 qodob.

Xaaladda Magaalada Dhuusamareeb ayaa isu bedeshay mid cakiran oo jahwareer siyaasadeed uu hareeyay, waxaana tan iyo xalay socday wadahadal la isaga dab qaadayo Ra’iisal wasaare Kheyrei yo hoggaamiyaha Ahlu suna, iyadoo aan wax horumar ah laga gaarin.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa la sheegay inuu diiday qodobadda uu wato Macalin Maxamuud oo qaarkood uu sheegay inuusan awood u lahayn sida xildhibaanno Ahlu suna ku yeelato baarlamaanka soo socda ee Galmudug, iyo inaysan koox maamulin caasimada Galmudug.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in weli ay socoto waanwaanta laakiin Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa qaatay mowqif cad oo aan ka noqosho lahayn.

Dhinaca kale, Waxaa magaalada Muqdisho weli ku xayiran ciidamo loo diyaariyey Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo la filayey in la geeyo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Ciidamadan ayay wararku sheegayaan in dayuuradihii ay la socdeen lagu soo celiyey Muqdisho wax yar ka dib markii ay duuleen, markii Madaxa Guud ee Ahlu suna Macalin Maxamuud uu ka hor yimid.

Qorshaha ciidamadan lagu geynayo magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa watay Ra’iisal wasaare, Kheyre oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, waxaana loogu talogalay inay ilaaliyaan afar xarumood oo ku yaalla magaalada sida xarunta Ra’iisal wasaaraha, garoonka diyaaradaha, xarunta shirarka iyo goobta la dejinayo ergooyinka dib u heshisiinta ee beelaha Galmudug

Marka laga yimaado saameynta siyaasadeed iyo isfaham la’aanta ka taagan ciidamadaasi, Waxaa si caadi ah uga wada shaqeynaya magaalada Dhuusamareeb ciidamada Amniga ee la isku dhafey dhowaan.

LEAVE A REPLY