Odayaasha iyo Salaadiinta beeaha sacad habargidir oo go,aan culus ka qaatay ...

Odayaasha iyo Salaadiinta beeaha sacad habargidir oo go,aan culus ka qaatay shirka dib u heshiisiinta ee dhuusamareeb

0
SHARE

Wararka naga soo gaaraya magaaalada hobyo ayaa waxay shegayaan in halkaasi uu ka dhacay kulan xasaasi ah oo u dhaxeyay odayaasha iyo salaadiinta beesha sacad habargidir ee galmudug waxana kulankasi loga hadlayay mowqfika ay ka taagan yihiin beeshaasi shirka logu magac daray shirka dib u heshisiinta deganada galmudug kaasi oo la qorsheynayo in uu Ka furmo magaalada dhuusamareeb

Suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed iyo odayaal kale oo oo weriyaasha kula hadlay Magalada Hobyo ayaa sheegay in ilaa uu ka dhamanayo shirka nabadda Hobyo aysan ka qeyb galeynin shirka Dib u heshiinsiinta ee deeganada Galmudug oo lagu wado in uu ka furmo dhuusa mareeb.

Odayasha shirka ka qeyb galay ayaa sheegay in shirka aysan ka qeyb gali karin siyaasiin ,Ganacsato iyo dadka kale islamrkaana looga dambeyo ka qeybgalka shirka odayasha dhaqanka ee ku sugan hobyo.

Shirka dhuusamareeb ee dowlada Somalia ay qaban qaabinayso sidoo kle waxaa ka soo horjeestay oo diiday in ay ka qayb galaan odayaasha reer xaaji saleeman oo cadaaado waxayna u arken in shirkaasi uusan wax dan ah ugu jirin beesha saleemaan

Gudiga Qaban qaabadda Shirka dib u heshiinta beelaha Galmudug oo Xalay Dhuusamareeb dib ugu soo laabtay ka dib safar ay mareen deegaanadda Balanbal,Caaduwaaq,Xeraale,Huurshe,Gaalkacyo iyo Cadaado ayaa ugu qaabay Waxgaradka deegaanadda Galmudug in ay tabashada ay qabaan ay ku xaliyaan shirka dib u heshiinta oo ka furmaya Dhuusamareeb 5 bisha soo socota.

Si kastaba ha ahaate arintan ayaa waxay ku soo beegmaysa xili r kheyre uu wado dadaal logu soo dhisayo maamul cusub oo galmudug. Laga yagleelo

Wixii warar ah oo ku soo kordha kala soco hobyomedia.com

LEAVE A REPLY