Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Dhaawac ee Duqa Muqdisho iyo diyaaradii qaadi laheyd...

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Dhaawac ee Duqa Muqdisho iyo diyaaradii qaadi laheyd oo…

0
SHARE

Dhaqaatiir isugu jirta Soomaali iyo ajaaniib ayaa la tacaalaya xaaada Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Yariisow oo shalay dhaawac culus kasoo gaaray qarax ka dhacay gudaha xarunta Gobolka Banaadir.

Sida aan wararka ku heleyno labo qaliin oo xalay lagu sameeyay Duqa Muqdisho ayaa lagu guuleestay, waxaana wali dhaqaatiirta la tacaalayaan xaalada Yariisow oo la sheegay in a culus tahay ayna soo gaareen dhaawacyo culus.

Guddi Wasiiro iyo isugu jira maamulka gobolka Banaadir oo loo saaray la tacaalida xaalada dhaaac ee Gudomiyaha gobolka Banaadir iyo masuuliyiinta kale ayaa wada qaban qaabada sidii dhaawacyada culus dibadad loogu qaadi lahaa .

Diyaarad la filayo in ay qaado dhaawaca Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo dhaaacyada kale ee culus ayaa la filaaa in ay soo gaarto Muqdisho, waxaana dib u dhac ku yimid diyaarad laga leeyahay Qadar oo xalay la filayay in Muqdisho timaado si dhaaaca u qaado.

Qaraxii shalay ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir ayaa dhaliyay khaaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana qaraxa ku dhintay Gudoomiyaal degmo , Agaasimayaal iyo xubno kale oo maamulka gobolka katiranaa.

LEAVE A REPLY